shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baarlamaanka Somalia oo Maanta ka Doodayay Qodob muhiim ah Iyadoo Xaruntii Shirka Madaafiic Lagu Garaacay.

(Muqdisho,  April 25,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa Maanta ku shiray Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somalia Baarlamaanka Dawladda Somlia iyadoo Baarlamaanka Maanta la horkenay Qodobo ay ka mid ahaayeen miisaaniyada sedaxda bilood ee soosocota ay ku shaqeyneyso dowlada Soomaaliya iyo qodob la horkeenay oo ku aadanaa saxiixii dhexmaray dowladaha Somalia iyo Kenya.
 
Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen badi xubnaha baarlamanka dowlada iyo wasiirka koobaad ee DFKMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, masuuliyiinta baarlamanka, iyo qeybaha saxaafada ayaa waxaa lagaga dooday qodobo xasaasi ay oo ay ugu weyneyd qodobkii ahaa miisaaniyada ay ku shaqeyneyso dowlada sedaxda bilood ee sosocota iyo heshiiskii dhanka badda ee ay wada galeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya .
 
Waxaana baarlamanka dood iyo falanqeyn ka dib uu ansixiyay qodobka miisaaniyada dowlada waxaana uu dib u dhigay qodobkii ahaa ka doodista heshiiskii dhanka badda ahaa ee dhexmaray dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kaasi oo ay soogudbiyeen xildhibaano baarlamanka ka tirsan .
 
Dhanka kale kulanka baarlamaanka marki uu soo xirmay ayaa Waxaa Madaafiic lagu garaacay Agagaarka Goobta ay ku shirayeen Barlamaanku iyadoo inta la ogyahay 8-qof ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidamada dowlada waxaana ku dhaawacmay 13-kalena oo 4-ka mid ah ay yihiin booliis kadib markii madfac uu kula dhacay gudaha xarunta gaadiidka booliiska iyo agagaarkeeda.
 
Wararka ayaa sheegaya in ay3-qof oo madfaca dilay iyo 4-kale oo iyana dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen madaafiic lagu garaacay agagaarka xarunta gaadiidka booliiska.
 
General Yuusuf Cismaan Dhuumaal oo ah taliye ku xigeenka ciidanka booliiska oo isagu shir jaraa’id saxaafada ugu qabtay gudaha xarunta gadiidka booliiska ayaa waxaa uu ka war bixiyay qasaaraha soo gaaray ciidamada booliiska ee ku sugnaa gudaha xaruntaasi,waxanaa uu sheegay in hal askari uu uga geeriyoday ciidamada booliiska ayna ka dhaawacmeen 4-askari,waxaana uu sheegay in weerarkaasi ay ku soo qaadeen kooxo uu ku tilmaamay nabad diidayaal sida uu hadalka u dhigay.
 
Madaafiicda lagu soo garaacay xarunta gaadiidka booliiska ayaa waxaa ay ku soo aadeen xili mudanayaasha baarlamaanka ay ka kala dareereen kala shir ay ku ansixinayeen mooshin ku aadan miisaaniyada Dowlada ee mudo 3-bilood ah.
 
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com