shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaaladda Shirka Brussels oo ay ka Qaybgalayan Ururadda Caalamiga ah
 

(Brussels,  April 23,  2009 Ceegaag Online) 

Maanta ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Caasimadda ah ee brussels shir muhiim ah oo deeqo loogu ururinayo Somalia waxaana shirkaasi martigalinaya Midawga yurub waxaana ka qaybgalaya ururadda Jaamacadda Carabta iyo Midawga africa shirka waxaa soo qabanqaabisay Qaramadda midoobay waxaana deeq lacageed oo lagu dhiso Ciidamadda qalabka sida iyo hanaanka nabadda somalia loogu ururinaya somalia madaxweyne Shariif shiikh axmed waxaa uu goobjoog ka yahay shirka waxaana uu khudbad koban uu ka jeediyay shirka ku sheegay in somalia loo baahanyahay nabadwarta oo laga dhaliyo.

Shirka Magaalada Bruccels ayaa waxaa ku sii qulqulaya masuuliyin ka tirsan beesha caalamka ah iyo dawlada daneeya arimaha wadanka Soomaaliya kuwaas oo doonaya inay ka qayb galaan shirwayne lagu lafa gurayo arimaha wadanka Soomaaliya islamarkaana dhaqaale loogu ururinayo wax ka qabashada xaalada wadanka Soomaaliya

Ban Ki Mun oo shir gudoominaya shirkaasi ayaa sheegay in kulankaasi lagu soo qaadi doono waxyaabo farabadan oo ku aadan xaalada wadanka soomaaliya iyo ladagaalanka waxa loo yaqaan burcad badeeda Soomaalida .

Shirka ayaa waxaa dhaqaalaha lagu ururin doono oo gaaraya 260 milyan oo doolarka Mareykanka lagu taageeri doono hay’adaha dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee hawlgalka nabad ilaalinta ka wada Soomaaliya.

Dhaqaalaha shikaasi laga ururiyo ayaa la sheegay in dawlada KMG ah ee Soomaaliya laga saacidi doono sidii ay u sameysan laheyd cudud ciidan oo gaaraysa 6 kun oo askari oo ka qayb qaata xasiloonida iyo 10 kun oo ciidamo Booliis ah oo dhinac socda ciidamadaasi.

Sidoo kale dhaqaalahaasi qayb ka mid ah ayaa waxaa la doonayaa in lagu xoojiyo tayada ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso 4300 iyadoo la doonayo in ciidamadaasi laga taageeri doono dhanka logistikada iyo iyo adeegyadooda kale ee ay u baahan yihiin si ay ugu sameeyeen tababar iyo kor kala socod ciidamada amaanka ee la qorsheeyey in Soomaaliya loo sameeyo.

Shirkan caalamiga ah ee dhaqaalaha loogu ururinayo Soomaaliya ayaa waxaa ku baaqay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana martigaliyey Midowga Yurub, waxaana lagu wadaa inay ka soo qayb galaan wakiilo ka socda Midowga Afrika, Jaamacad Carabta iyo dalalka daneeya arimaha Soomaaliya. 

Shirkan xaasaasiga ah ee maanta ka furmay Magaaladda Brussels Madaxweyne Shariif ayaa ka hadlay"Xaaladda somalia amniga iyo Dhaqaalaha ayaa lafdhabar u ah waxaana la doonayaa in somalia nabad laga dabaalo dawladdayda hadii ay dhaqaale hesho waxaan wax ka qabanaynaa kaabayasha amaanka iyo Dhaqalaha".

Shirkan ayaa waxaa aan loo ogolayn Wariyayaasha iyadoo Shaashado gaar ah loo sameeyay Wariyayaasha balse Galabta ayaa la qabanaya Shir jaraa'id oo lagu gorfaynayo xaaladaha Shirka Brussels.

Cabdirashid Maxamed Daahir.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com