shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Xaaluf Ba'an oo Ka jira Inta badan Goboladda Puntland.
 

(Puntland.  April 10,  2009 Ceegaag Online)

Dawladd Goboleedka Puntland waxaa inta badan ka jira Xaaluf iyo Jarid lagu hayo dhirta Deegaanadda Miyiga ah ee u dhaw Magaalooyinka Waawayn ee Dawladd goboleedka Puntland Dhuxusha ayaa waxaa inta badan ugu badan Goboladda laga jarro Gobolladda Karkaar iyo Sanaag waxaana jarra dhirta Kooxo Dhalinyaro ah oo ka ugaarsadda Deegaanadda miyiga ah dhirta Geedka Loo Yaqaan Galoolka waxaana dhuxushaas lagu soo daabulaa Gawaaridda Xamuulka ah.
 
 
Degmadda Dhahar ayaa dhawaantan waxaa jirtay in laga sameeyay ciidamo la dagaalama Xaalufka ama jaridda Dhirta oo Deeganka ah iyadoo ay jirtay Heshiis ka dhacay dabayaaqaddii 2007-Magaaladda Qardho oo laysugu Keenay Odayaasha Dhaqanka ee Goboladda Sanaag iyo Karkaar ee dawladd Goboleedka Puntland waxaana laga tashanayay Aayaha Dhul Deegaaneedka labadaasi Gobol ee laga jarro Dhuxusha.
 
Wasiirka Deegaanka iyo Ilaalinta Duurjoogta Dawladd Goboleedka Puntland Cabdiqani Yuusuf cadde oo shir jaraa'id dhawaantan ku qabtay Hotel Alla- Aamin ee magaaladda Qardho ayaa sheegay inay Xukuumadda Cusub ee dawladd Goboledka Puntland Bilaabayso barnaamij ku Aaadan la Dagaalanka Xaalufka iyo Dadka Dhuxul Jarayaasha ah isagoo Tilmaamay in Wasaaradiisu ay ahmiyad buuxda saarayso Ilaalinta Deegaanka iyo Helidda Qayb Dalxiis oo puntland ka mida si Dhaqaale iyo Dakhli uga soo xeroodo Dawladda waxaa uu intaasi ku daray in barnaamijkan uu yahay mid Taabo galaya.
 
Isku soo wadda Duuboo Xaalufka ba'an ee lagu hayo Deegaanka ayaa ah mid dhibaato ku haya Dhul Khayraadka Dabiiciga ah ee Dawladd Goboleedka Puntland iyadoo Dhuxusha la jaro la geeyo Goboladd Dhexe ila deegaanadda kale ee ka tirsan Dawladd Goboledka puntland balse waxaa laga Dhur sugayaa Talaabadda ay Xukuumadd Cusub ee dawladd Goboledka Puntland ka qaado ka hortaga Xaalufka lagu Hayo Deegaanka.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com