shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Xamur oo la aasaasay samaananuux balse wali sideedii Horumarka ka ah.

(Xamur, Bari.   April 07,  2009 Ceegaag Online) 

Dowlad goboleedka Puntland waxa ku yaala degaano aad u qurux badan kuna wanaagsan beeraha, waxa kale oo ku yaala tuuloyiin leh dhul beered aadna u qurux badan waxana ka mid ah degaanka Xamur u kabiga ku haya magaalada bosaso una jira 38Km qiyaastii. Xamur waa tuulo yar balse leh beero waweyn oo timirta aay ka baxdo waana meesha timirta ugu badan loga keeno bosaso xiliga xagaga ah marka aay soo go'do timirtu.

Hadaba tuuladan goorma la asaasay yaase asaasay ? su'aasha ayaa waxan weydiiyey Cabdiqadir Faarax Cooraaf oo ah gudoomiyaha tuulada ahna nin mudo dheer soo degaana halkaas waxana u igu jawaabay ''Tuulada xamur waxa asaasay dad reer miyi ha waqtiguna waa uu fooga waxayna aheyd gu'gii la oran jiray Gobeysane oo aha waagi la caleema saray boqorkii ugu horeeyey booqrada daarood ee XAWADANE waqtiga ayaa la asaasay tuuladan waxana ka maqalnay awooweyasheena sidaas''

Dadka somaliyeed ayaa intaa badan ku xisaabtami jiray xiliyada barwaaqada iyo waqtiyada reerba tariikhaha la xasuusto waxadna mooda in gu'ga Gogeysane u yahay xili dheer tuuladana aay tahay meel tariikh dheer leh.

Hadaba Xamur aya ah meel aad u qurux badan lehna biyo aad u badan oo ilo ah ana laheyn wax matooro ah oo keena beeraha biyo balse illaaha loga soo jeexo moosaska biyaha Waa meel ku wanaagsan beerashada, sidoo kalena leh timir aad u fara badan oo gaarta dhamaan degaanada puntland xiliga xagaga ah oo aay soo go'ado.

Dadka degaanka xamur oo ii waramayey ayaa i sheegay inaysan maamulka puntland iyo hay'adaha midna aysan ka helin wax taageero ah balse aay yahiin iska wax u qabso.Mid ka mid ah odayaasha tuulada ayaa ii sheegay in aay maamulka iyo hay'adaha calaamiga ah ka codsanayaan in laga caawiyo miraha beeraha iyo waliba in degaanka lo sameeyo iskoolo waxbarasho iyo maasajid madama aay dadka degaanku ku tuukadan meel yar oo dhagxuun lagu wareejiyey.

Tuuladan ayaa mid ka gabisay dhamaan degaanada aay isku xiliga ahayeen ama kuwa ka dambeeyey , waxana la dhahi kara dadka degaankani waxay iskaga jiran noolol mugdi ah madama aysan degaanku laheyn Iskool,goob Cafimaad iyo masjid weyn oo lagu cibadeysto waxana taas la dhahi kara waa mugdi . Odayaasha degaanka ayaa maamulka cusub ee Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ka codsaday inu degaankan iyo degaanada horumarka puntland wax ka geysan kara u wax u qabto sidoo kale wasaaradaha hawshooda aay tahay arrimaha beerahu aay il gaara ku qabtaan degaanada Puntland ee wax ka bedeli kara horumarka puntland.

Daawo Sawirada

Webmaster-ka Somalifans.Net/Laasqoray.net

Yusuf Cali oo booqasho ku jooga Xamur

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com