shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Masuuliyiinta Saddexda Xisbi oo Kulmay iyo Shacabka oo soo Dhaweeyay.

(Hargaysa,  April 25,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa Maanta dib ugu Bilaabmay Masuuliyiinta Saddexda Xisbi ee Somaliland Wada hadalo iyo Kulamo ay ku yeelanayeen Xarunta Madaxtooyadda waxaana Dhexdhexaadinayay Guddiga Doorashooyinka Kulamaddasi wax wara lagama soo saarin Maanta .
 
Haddaba Hardankii Siyaasadeed ee ka jiray Maamulka somaliland ayaa waxaa u muuqda inuu soo dabar go'ayo waxaana Arrintaasi ka hadlay Waxgarad isugu jira Salaadiin, Culimo, Abwaano iyo Ganacsato ayaa shalay bayaan ay ka soo saareen Magaalada Hargeysa waxay ku soo dhaweeyeen hawsha dhexdhexaadinta ee ay wadaan guddida anshaxa iyo kormeerka doorashooyinka ee isku xilsaartay isu soo dhawaynta siyaasiyiinta ku hirdamaya tallada dalka ee sida weyn iskugu khilaafsan dib u dhacii ku yimid doorashadii Madaxtooyada, kuwaasi oo kulankii u horreeyay saddexda Hoggaamiye ee axsaabta qaranka isku soo hor fadhiisinaya Maanta.
 
Salaadiinta, aqoonyahanada, Culimada iyo ganacsatada war murtidyeedkan soo saaray oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Axmed Daahir, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye iyo xubno kale oo dalka magac ku leh ayaa Bayaankoodu waxa uu u qornaa sidan:-
 
"Waxa jirtay in xubno ka tirsan Salaadiinta, Culimada iyo ganacsatada ay mudaba ku hawlanaayeen sidii loo damin lahaa muranka siyaasiga ah ee ka taagan dalka waxaana ugu dambayntii la qaatay shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen ilaa 50 xubnood oo iskuga jira madax dhaqameed, culimo, ganacsato iyo xubno kqa tirsan guddida anshaxa iyo kormeer doorashooyinka, malintii khamiistii ee 16/ 4/ 2009, kaasoo ka dhacay maamuus Resturant.
 
Iswaraysi iyo falanqayn dheer ka dib waxa la arkay in jiraan dadaalo badan oo ka socday meelo kala duwan oo dad kala duwani wadeen sida culmada, Salaadiinta, ganacstada, Abwaanada iyo waxgarad kale oo badan, isla markaana waxay guddida anshaxa iyo kormeer doorashooyinku ku wargeliyeen shir in uu jiro ballan dhow oo ay la leeyihiin madaxweynaha, horena ay u soo arkeen labada xisbi ee mucaaradka ah oo iyaga soo siiyay kalsooni buuxda in ay oggol yihiin wada hadal.
 
Waxa kulankaa lagu go’aansaday in la mideeyo dadaalada fara badan ee la isku wada xilqaamay sidii caadada u ahayd bulshada Somaliland halkaana ka wadaan dadaalada dhex-dhexaadinta khilaafka siyaasiga ah ee saddexda xisbi iyagoo kalsooni buuxda ka haysta dhamaan dhinacyadda fara badan, isla markaana ay la soo socodsiiyaan guddigan midaysan wixii ku soo kordha ama ku adkaada .
 
Waxaan ku hambalyeynaynaa guddidaa anshaxa doorashooyinku dadaalkaa ay muujiyeen. Waxa kale oo aan hanbalyeynaa saddexda Gudoomiye ee xisbiyada qaranka sida fiican ee xilkasnimada leh ee ay aqbaleen in ay kulmaan.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com