shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xuska Maalinta Dhirta Aduunka oo laga Xusay Puntland.

(Soomaaliya.  April 17,  2009 Ceegaag Online)

17-April Xuska Maalinta Dhirta Aduunka ayaa waxaa laga Xusay inta badan Dawladd Goboleedka Puntland waxaana laga Xusay Magaalooyinka Bosaso,Qardho,Garowe,Gaalkacyo iyo Deegaano kale oo ka tirsan Dawladd Goboleedka Puntland Xuskan Balaaran ayaa waxaa Soo Qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka ilaalinta Duurjoogta Iyo Dalxiiska Puntland .
 
Halku,dhiga Xuskan ku aadan Maalinta dhirta aduunka aya ahaa"Ha Goyn Dhirta Hadii Aadan Abuurayn" Waxaana ka qaybgalaY saraakiil ka tirsan Wasaaradda Deeganka iyo Duurjoogta Puntland magaaladda Qardho waxaa Xuskan looga Xusay Abid si aan looga Xusin waxana soo qabanqaabiyay Saraakiisha Wasaaradda Deegaanka ilaalinta Duurjoogta Puntland oo uu ugu Horeeyo Cabdiwaaxid Cali Xundhur waxaana ay ay ku saabsanayd Wacyi Galin iyo Abuurid Geedo Farabadan oo laga beerayay Deegano Farabadan oo hoosyimaada Gudaha Maaaladda Qardho.
 
Isku Soo wada Duubo Xuskan Ayaa ahaa Mid Laga xusayay Deegaano hoosyimaada Gud ahaan Dawladd Goboleedka Puntland arrintan lagu xusayo Sanadkan Maalinta Dhirta Aduunka ayaa ah mid ku soo aadaysa iyadoo Xukuumadda Dawladd Goboleedka Puntland ay Samaysay Wasaarad Qaabilsan ka hortaga Xaalufka iyo ilaalinta Deegaanka waxaana Xuskan Horkacaya Saraakiil ka socota Wasaaradda Deeganka iyo ILaalinta Duurjoogta .


 
 Marka la fiiriyo Xaaladda Ilaalinta Deegaanka Soomaliya Waa Sidee?.

Soomaaliya Xuskan ayaa si aada looga xusaa sanadkasta waxaana Dhirtu ku dhibaataysmataa Dhibaatadda iyo Waxyeeladda ay deegaanka ku hayaan dadka soomalida ah.
 
Tixraaca Xogarurinta Ceegaag online ayaa ah Soomalida inta uu burburka dhacay waxaa ay ku jirtay Dhibaatadda waxaan ay ukala baxeen.
1-kuwa Faas qaata
2-kuwa qori qaatay
3-kuwa calooshod u shaqaystayaal ah.
 
faaska la qaatay waxaa uu micnihiisu yahay in soomaliya dadka ay u dhaqaaqen jaridda iyo xaalufka dhirta waxaana ay soomalida badankeeda dhirta gooyaan gayiga ugu quruxda badan daraasadaha iyo qiimaynta la sameeyay ayaa tixraac u ah in soomaliya dadka ay jaraan dhirta laga wacyigaliyo taaso keenta dadku u qaata faaska goynta dhirta ay nabsi iyo saamayn dhibaato lexaad leh ah.
 
Sanadkan 2009-Xuska dhirta soomaliya waxaa uu yahay mid u muqda inay tusayso waxyeeladda sii gordhaysa ee dhirta iyadoo dhirta ay tahay muhiimad dabiici ah oo degaanka ah taaso faa'iido u leh dadka.
 
Ganacsiga Dhirta-waa midka aadka u waxyeelayay yaraanta iyo naaqusinta tiradda Dhirta Soomaliya iyo Aduunka waana Commercial .
 
Tallo Soo Jeedin:
 
Janjeerka Qoraalka ku aadan xuska maalinta Dhirta Aduunka in laga waantobo lana ilaaliyo Deegaanka si loo badbaadiyo nolosha caamka ah ee dadka iyo duunyadda maadama ay ku tiirsanyihiin Deegaanka ninka Faaska Wata ha tuuro oo dhirta ha beero iyadoo Dhir yaraantu sababi karto roob la'aan abaar,iyo halac waxyeelaya dadka.

Cabdirashid Maxamed Daahir.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com