shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Dilka Gudoomiyaha Gobolka Karkaar.

(Qardho,  April 27,  2009 Ceegaag Online


Marka u horeesa Bahda Ceegaag Online waxay tacsi u dirasaa ALLA HA U NAXARIISTEE Yaasiin Siciid Xuseen Gudoomiyihi Gobolka Karkar ayaa Habeenimaddi Xalay ahayd lagu Dilay Deegaanka Dhudhub oo ka Tirsan Gobolka Karkaar Alla ha u naxariiste Marxuum Yasiin Siciid Xuseen ayaa Waxaa Shalay subax u ambabaxay Deegaankasi isaga oo Xalinayay Khilaaf u dhaxeeyay Laba beelood oo isku Haysta Deegaanadasi .
 
 
Dilka Gudoomiyaha ayaa la sheegay inuu u dhacay ka gadal markii Geed hoostiis oo ay ka dhacaysay Heshiisintu Degmadda Dhudhub ay soo Martay meeshaasi Gaari Qaad siday oo Nimankii Saarnaa ay soo fureen Rasaas,Rasaastaasi ayaa la shegay inay ku dhacday Gudoomiyaha o isagu markaasi Fiiri is yiri .
 
 
Dilka Gudoomiyaha ka Gadaal oo Xafiiska Ceegaag online ee puntland uu la xariiray Khadka Halaw halawda Degmadda bayla aya la xaqiijiyay Dhimashadda Gudoomiyaha Gobolka karkar yaasiin Siiciid Xuseen.
 
 
Maydka Marxuumka ayaa la keenay Magaaladda Qardho waxaana La geliyay Talaagad iyadoo ay balanta ahayd in Berito loo sameeyo Aas qaran waxaana Subaxnimaddi hore ku so qulqulay Magaaladda qardho Masuuliyiin ka socota Puntland oo uu ugu Horeeyo Madaxweyne Faroole iyo Baddi Golaha Wasiiradda oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga General:Cabdulahi Siciid Samatar iyo Wasiiradda arrimaha Gudaha wasiirka Maaliyadda iyo waliba wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo Wasiiro ku xigeeno Xildhibaanadda Baarlamaanka .
 
 
Markii Maanta uu yimi Magaaladda Qardho Madaxweyne Faroole ayaa waxaa soo ifbaxday in Eheladda Gudoomiyaha ay diideen in la aaso Gudomiyaha oo aas qaran loo samayn lahaa waxaana meeshaasi ka dhashay buuq Marxuumkuna wali Talaagad ayaa uu ku jira waxaana ku hareeraysan Eheladdisa.
 
 
Dhanka kale Ciidamaddi amaanka ee raacay Marxuumka ayaa gacanta ku soo dhigay Afar nin oo falkaan Gaystay waxaana baaritaan ku wadda ciidanka Booliiska Puntland waxaan socda waan la wado oo ladoonayo in aas qaran loogu sameeyo Gudoomiyihi Gobolka karkaar o Isagu Intii uu noolaa Saaxiib joogto ah la ahaa Ceegaag Online.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com