shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhamaan dadwaynaha muslimiinta gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee reer Boston iyo nawaaxigeeda waxaa loogu bushaaraynayaa in dhulkii masaajidka la iibiyay

(Boston,  August 11,  2009 Ceegaag Online)

Daawo Dhulka oo Maamulka Masjidka Taqwaa inoola soo Wareegayaan

 

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan dadwaynaha Soomaaliyeed ee reer Boston iyo nawaaxigeeda in dhulkii  masaajidka loogu talogalay iibkiisii la dhamaystiray shalay oo taariikhdu ahayd 18, Shacbaan 1430 H ama ku aadan Aug 10, 2009.

Dhulkan oo qiyaastii cabirkiisu yahay 27,000 Sq Ft. ayaa waxaa uu ku yaalaa xaafada Roxbury ee magaaladan Boston, Khaasatan 63  Perrin St.

Dhulkan ayaa u dhexeeya Washington Mall ka iyo Dudley Station.

Sawirka dhulka baaxadiisa soo rogo

 

 

webmaster@ceegaag.com