shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasaaradda Gaashaandhiga ee DFKMG ah oo ka hadashay shirkii lagu soo gabagebeeyay Washington.

(Washington,  August 06,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa lagu soo gabagabeeyay Magaaladda Washington ee Cariga maraykanka shir ay laaheeyen saraakishi hore ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaana shirkaasi martigelintiisa lahayd dawladda maraykanka Ajandayaal dhawr ayaa shirka looga hadlayay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen sidii wax looga qabanlahaa Xaaladaha ,Amaanka,iyo difaaca tababaradda ciidamadda iyo tayaynta ciidamadda Qalabka sida ee DFKMG ah waxaan shirkaasi qabsomidisa iska kaashaday Wasaaradda Gaashaandhiga maraykanka iyo xafiiska QM ee arrimaha somalia

Hadaba gabagabadi shirka oo go'aano laga soo saaray ayaa wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga DFKMG ah Pro. Maxamed cabdi gaandi uu ka hadlay go'aamadda dhawrka ah ee laga soo saaray shirkaasi isagoo ku nuuxnuuxsaday in shirkaasi muhiimad u leeyahay DFKMG ah isla markaasna uu xoojinayo talooyin la siiyo Gaashaandhiga Somalia.

Wasiirka oo warbaahinta u waramayay ayaa yiri "Wasaaradaydu waxay ku dadaali doonto fulinta talooyinka ay u soo jeediyeen saraakiishii hore ee ciidamada qalabka sida haddii ay ahaan lahaayeen Militari, Boolis iyo Asluub intaba..." wasiirka oo hadalkiisa sii wata isla markaasna carabka ku adkaynaya muhiimadda shirkaasi lahaa ayaa yiri "Waxaa shirkaasi ka qeybgalay saraakiil iyo khuburo kale oo magac iyo maamuus ku leh Dhinaca Milateriga, waxaana laga hadlay oo la isku raaacay in la abuuro Guddi ka soo talo bixiya Burcad badeeda waxyaabaha keenay iyo sidii looga hortagi lahaaa iyo dadka Xagjirka ah ee dagaalada wada sidii loola dagaali lahaa haddii ay ka diidaan wada hadalka iyo nabadaynta socota".

Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG ah ee somalia Maxamed cabdi gaandi aya cadeeyay in talooyinka shirku ka qaybqadanayaan Kaalin lama ilaawan ah hanaanka Gaashaandhiga somalia isagoo shegay in kulanka saraakiisha iyo khubaradda militariga somalia uu kala ahaa laba Qaybood oo mida ugu horaysa tahay inay saraakiishu ciidamada talo ka bixiyaan qaabkii loo dhisi lahaa ciidan Qaran oo awood uleh inay difaacan Qaranimadda soomaliya iyo tan labaad oo ah xal u helida mushaakiladda Dhinaca Difaaca qaranka oo haatan haysta DFKMG ah.
Gabagabadi warbixinta wasiirka waxaaa uu daboolka ka qaaday in shirkaasi ragii ka qaybgalay ay ahaayen kuwa aqoon iyo khibrad u lahaa arrimaha somaliya iyadoo gudiyadda kulankaasi lo magacaabay diyaariyen talooyin ay usoo jeediyen Wasaaradda Gaashaandhiga Iyadoo qoraal ahaana loo gaarsiiyay wasaaradisa.
Isku soo wadda kulankaasai ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ay ka soo qeybgalaan saraakiil ceynkaasi oo kale ah, magacna ku leh dalka soomaaliya iyo Dibadaba, waxaana la wada sugayaa sida ay wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya ay talooyinkaasi loo soo jeediyay ay uga camal fali lahayd iyadoo xoogaga mucaaradka ee ka so horjeeda Dawladdana ay isku fidiyeen badi Goboladda Koonfurta iyo bartamaha Somalia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com