shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

DKMG ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo heshiis wada saxiixday (Sawiro).

(Gaalkacayo,  August 23,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta Hotel Taar city ee Magaaladda Gaalkacyo Heshiis rasmi ah kuwada saxiixday DFKMG ah ee somalia iyo Maamul Goboleedka Puntland iyadoo heshiiska maanta la saxiixay maalmihi ugu dambeeyay albaabadu u xirnaayen markii loo saaray Guddi saddex qodob soo gorfeeya waxaana Goobta heshiiska lagu kala saxiixanayay ka muuqanayay Masuuliyiinta Labadda dhinac oo ay ugu horeeyan Madaxweyne Faroole,Ra'iisulwasaare Sharmaarke iyo Madaxweyne ku xigeenka C/samad cali shire.
 
Hadaba Shabakadda Warbaahineed ee Ceegaag Online ayaa xog ka soo ururisay waxa labadda dhinac ku heshiiyen maadama maanta saxaafadda loo diiday in la gudoonsiiyo Waraaqaha heshiiska lagu gaaray Marka hore aan eegno waxbarashadda:-
 
Waxbarashada waxaa laysku raacay in ay dowladda Puntland yeelato 25%, Deeqahaha Waxbarasho ee la helayo, isla markaasna Ardaydaasi ay ka baxaan magaalooyinka waa weyn iyo kuwa yar-yar ee Puntland.

25% waxa ay noqon doonaan kuwa lasiinayo Deeqaha Waxbarashada ee laga helayo dalalka Caalamka, isla markaasna ay arrintaasi ka wada shaqeynayaan Wasaaraddaha Waxbarashada ee dowladda Soomaaliya iyo dowladda Puntland.

Sidoo kale marka la tixraaco Heshiiska labadda dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyen La dagaalanka Arrimaha Burcad badeeda somalida iyadoo xeebaha Puntland ugu badanyihiin meelaha burcadu ka qawlaysato Dowladdaha Puntland iyo Faderaalku waxa ay isku raaceen qorshe wax looga qabanayo Burcad Badeeda ka howlgasha biyaha Soomaaliya, gaar ahaana Sohdinta ku aadan Biyaha Puntland, waxa ayna dowladda Soomaaliya gacan ka siinaysaa dowladda Puntland in ay wax ka qabato burcad Badeedaasi.

Iskaashiga dhinacyada ee Burcad badeeda ayaa noqon doonaa mid dhaqaalaha dhinac walbaa helo lugu wajihi doono Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ah, waxaana aan suuragalin qodob ahaa in Puntland laga dhigo xarunta lugu tababarayo ciidamada Badda ee dowladda Soomaaliya ay howshooda ku jirto, maadama ay Burcadu ku badan yihiin Biyaha deegaanada Puntland sidoo kale waxaan meesha ka maqnayn Iskaashiga Ciidamadda iyo Tababaridooda Dowladda Faderaalka & Puntland ayaa iskaga afgartay Arrimaha ciidamada, waxaana laysku raacay in Puntland taageero arrimaha tababarada ciidamada, isla markaasna ay Nambar cad yeelan doonto, balse luguma qeexin cadadkaasi.

Sahayda ama hubabka ay helayso dowladda Soomaaliya ee Milateri, waxaa lugu sheegay heshiiska in ay qeyb leedahay dowladda Puntland ee Soomaaliya, ayna noqon doonaan kuwa cad-cad oo ay dhinacyadu hirgalin doonaan.

Waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn iswaafajinta Heshiisyadda Sharciga iyo Dastuurka waafaqsan Arrimaha Sharciyada iyo Faderaalka waxaa looga heshiiyey in ay dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ay gudiga diyaarinaya Dastuuraadka iyo Arrimaha faderaalka ay saldhigoodu noqdaan caasumada Puntland ee Garowe Soomaaliya, ayna wada diyaariyaan Dastuurka iyo Arrimaha Faderaalka gudigaasi oo ay la socdaan gudi ay ku darsan doonto dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Gudigan ayaa howshooda bilaabaya bilaha fooda inagu soo haya, ayadoo lasheegay in ay Gudigu noqon doonaan kuwa lugu soo xulayo aqoon, Waayo aragnimo iyo Sumcada ay Bulshada ku dhex leeyihiin waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn sidii loogu heshiin lahaa xiriirka dibadda arrimaha Xiriirka dibada waxaa Madax banaani buuxda loosiiyey dowladda Puntland in ay saxiixi karto heshiisyada caalamiga ah iyo arrimaha khuseeya deegaanada Puntland.

Labada Xukuumadood waxa ay isku raaceen in markii la dhiso Maamul gobaleedyada kale ee dalka, lana sameeyo xeerka lugu hagayo dowlad gobaleedyada ay markaasi Puntland ka hadli doonto xeerkaas iyo raacitaankiisa, balse inta ka horeysaysa waxaa lugu heshiiyey in ay Puntland u Madax banaanaato heshiisyadeeda Dibada.

Dowladda Faderaalka ayaa balan qaaday in ay xushmeyn doonto heshiisyada ay Puntland lagasho dowladdaha iyo Shirkadaha Caalamiga ah, kuwasoo gaar utaabanaya danaha gobalada Puntland ee Soomaaliya tan kale oo meesha ku jirta Qodobkaasina Daba socda ayaa ah Qeybsiga Dhaqaalaha Wada hadalada mudadii ay socdeen waxaa is afgaran waa ka dhacay Dhaqaalaha sida loo qeybsanayo, taasoo aan maanta laga mid dhigin qodobada lugu qeexay heshiiska ka koobnaa 15-ka qodob ee ay saxiixeen Madaxweyne Faroole iyo Raysalwasaare Sharmaake, waxaana laga gaabsaday falanqeynta qodobka dhaqaalaha, nuqulka ay heshay AllPuntland kuma cada qodobkaasi, inkastoo uu ka mid yahay qodobadii qornaa.

 
Waxaa sidoo kale taasi sii daba socda Ha'adaha Caalamiga ah iyo Doorka samafalka Somalia heshiiska ayaa sidoo kale lugu qoray In Hay'adaha Caalamiga ah ee qaabilsan Soomaaliya ay ka furtaan gobalada nabdoon ee Soomaaliya xaafiisyadooda, gaar ahaana gobalada Puntland.

Furitaankan ayaa lugu sheegay mid kor uqaadi doona in ay Hay'adahaasi meel sare gaarsiiyaan shaqada ay uhayaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana lugu dhiirigaliyey Hay'adaha QM iyo kuwa Caalamiga ahba in ay qaadaan talaabo kasta oo ay ku dhaqan-galiyaan arrimahaasi.

Daawo Sawirada


 

webmaster@ceegaag.com