shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Muxuu soo kordhinkaraa Kulanka Hillary Clinton iyo Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed?.

(Nairobi,  August 07,  2009 Ceegaag Online)

Somalia waxaa ka talisa dawlad ay awoodeedu aad u yartahay marka la eego xaga dhaqaalaha iyo dhanka Militaryga Dad badan ayaa saadaal kala duwan ka bixinayay kulanka labadda Masuul ee hillary Cinton iyo Madaxweynaha Somalia sharif sheikh axmed balse saadaasha kala duwan ee laga bixinayay kulanka labadda masuul ayaa noqotay mid la arko ka hor kulanka Miss:Clinton iyo Madaxweyne sharif ayaa waxaa saxaafaddu aad uga hadashay kulanka labadda masuul balse shalay ayay noqotay markii kulankoodi ugu horeeyay uu ka dhacay magaaladda Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Kulanka ay wada qaateen labadda masuul waxaa uu kala qaybsanaa labba qaybood mid albaabadu u xirnaayen iyo mid saxaafadda loo soo bandhigay waxaana hadalkii ugu horeeyay ee Clinton ka jeedisay madasha ahaa "Waxaan idiin sheegayaa in Madaxweyne Obama iyo aniga aan Doonayno inaan Balaarino Kaalmada aan siinayno Xukuumada Federalka ee KMG ah".

Hillary clinton xoghaye arrimo dibadeedka Maraykanka oo hadalkeeda si wadata ayaa tiri "Maraykanka iyo Beesha Caalamka waxaa Waajib ku ah inay si fir-fir cooni badan isaga kaashadaan Taageerida Xukuumada Federalka KMG ah" waxayna kaloo xustay "Waxaa Xaqiiqo ah in haddii Al-Shabaab ay ka Helaan Soomaaliya meel Aamin ah oo ay ku gabadaan ay suuro gal ka dhigi karto inay Al-Qacido iyo Jihooyin kale ay soo jiidanayaan kuwaas oo halis ku ah Maraykanka"." waxaan Aaminsanahay in Argagixisadda ay Halis ku yihiin Dadka Meel kasta oo ay joogaan".
Xoghaye arrimo dibadeedka Maraykanka Hillary clinton oo si aada ugu dheeratay arrimaha Somalia aya sidoo kale ka hadashay siyaasadda Dawladda Maraykanka ee Ururka Alshabaab oo isagu ka taliya meelo badan oo koonfurta iyo Bartamaha somalia ka mida waxayna tiri"Waxaan haynaa Macluumaad Sheegaya in Al-Shabaab aysan adeegsan oo kaliya Dagaalyahno Ajnabi ah iyo Maalka Ajaanibta balse waxay Adeegsadaan Afkaar Ajnabi ah oo ay ku weeraraan Shacabka Soomaaliyeed".

                                                       

Hadalkani ay tiri Hillary clinton waxaa uu u muuqda mid dawladda Maraykanku kaga walaacsantahay Falalka ay ku kacayaan Kooxda xagjirta ee Al-Shabaab waxaana Alshabaab dawladda Maraykanku horay ugu dartay Liiska ARGAGIXISADDA.

Clinton oo hadalkeeda sii wadatay ayaa waxay ku dheeratay arrimaha saamayn kara Somalia iyadoo Tusaale u soo qaadatay Dawladda aan deriska Nahay ee Ereteria waxayna u dirtay Baaq digniin u muuqday "Waxaa la gaaray Wakhtigii ay Eritrea joojin lahayd Kaalmeynta Xarakadda Al-Shabaab, waa inay Bilowdo sidii ay u noqon lahayd Daris aad u Kaalmeeya Degenaanshaha axaan Si cad u sheegaynaa In Hab dhaqanka Eritrea uusan ahayn Mid la Aqbali karo, waxaan Niyaysanahay inaan Go’aan ka qaadanayo haddii aysan joojin arintaasi".
Clinton waxay aad ugu rafatay arrimaha Somalia waxayna sidoo kale soo hadalqaaday Ciidamadda Nabadilaalinta ee midawga Africa ee ku sugan Magaaladda Muqdisho waxayna shaaca ka qaaday in Ciidamadasi ay Dawladda Maraykanku Taageero kasta la garabtaagantahay marka la eego xaga Dhaqaalaha,Tababarka iyo Qalabka iyadoo xustay inay siiyen Maraykanku AMISOM lacag gaaraysa 150,Milyan oo dollar.

Marka laga tago gorfaynta Hadalka Miss:Clinton waxaa Madaxweyne sharif sheikh axmed saxaafadda u sheegay in Dawladda maraykanka ay waddo gargaar loo fidinayo Umadda somaaliyeed waxaana madaxweynuhu Isbarbardhigay Labadda Taageero ee Dawladiisa ay siinayso Maraykanka waxaana uu sheegay in Taageero Military ay la diyaartahay Dawladda Maraykanku si wax looga qabto buu yiri kooxaha Taageera alqaacida ee Al-Shabaab oo isku dayaya inay xukunka ka tuuraan Dawlada uu isagu hogaamiyo waxaana sidoo kale uu dabadhigay Hadalkiisa in Maraykanku uu siinayo Somalia Taageero bani'aadanimo oo aad u balaaran si looga gaashaanto Duruufo Badan.
Marka laga tago hadaladda Clinton iyo Sharif waxaa sidoo kale dad badani ka hadleen ara'dooda kaga aadan kulanka Clinton iyo Sharif sheikh axmed marka la eego siyaasiyin badan ayaa fikiro badan is barbardhigaya Tusaale haddi aan u soo qaadano Pro:Cali khaliif galayr waxaa uu ahaa Raysalwasaarihi hore ee Dawladdi Carta lagu soo dhisay waxaana VOA wax ka waydiisay sida ay wax u tari karto Taageeradda maraykanku balanqaadi karto waxaana uu yiri"Waxaan aaminsanahay in Dawladani tahay dawlad somaliyed oo aad loo taageero marka aan eegno Maraykanka iyo Ururadda caalamiga ah waa inay Dawladu shaqada wadaa oo laba jibaarta waana in dawladu waxqabad muuqda la timaada Taageradda maraykankuna waa mid noqon karta waxqabad muuqda".
Dhinaca kale Pro:Axmed Ismaaciil Samatar oo ku xeeldheer arrimaha Somalia ayaa VOA da u sheegay "Maraykanku inuu balanqaado Taageero waa mid meesha ku jirta Balse waa in maraykanku tixgeliyaa Arrimo dhawr ah oo Mogadisho ka taagan,sidan wararka ku helayno Dawladi dhexdeedi baa ishaysata,Ciidamadi Dawladda ayaa dadka dhacaya oo bililiqo iyo tuugo ka gaysanaya Muqdisho mana muuqato kaalin ay dawladu ka ciyaarayso inay wax u qabato shacabka Somaliyed".
 
Gabagabadi Dawlada maraykanka ayaa lagu yaqaana inay ka huleesho meeshi ay waxqabadkeeda u bogi waydo isla markaasna quus laga istaago iyadoo Maraykanka la sheego inaanu dulqaad iyo samir midna lahayn balse waxaan ka dhursugaynaa Halka ay ka soo baxdo Taageeradda Maraykanku sheegay iyo Doorka Dawladda sheikh sharif ka ciyaarto Siyaasadda Somalia ee aadka  u murugsan.
 
Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com