shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin ku saabsan Wasiiro ka tirsan Dawladda KMG ah ee Somalia oo la isku shaandheeyay.

(Muqdisho,  August 18,  2009 Ceegaag Online)

Shalay ayay ahayd markii DFKMG ah ee Somalia isku shaandheyn ku samaysay Golaha Wasiiradda waxaana Isku shaandheyntayni timi markii Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne Sharif Sheikh Axmed isku afgarteen in La soo kordhiyo Xubno cusub oo ku soo biira Dawladda Somalia islamarkaasna Qaar kale la kala bedelo waxaana la isku shaandheeyay wasaarado ay ka mid yihiin,Arrimaha Dibadda,Gaashaandhiga iyo Maaliyadda iyadoo la soo kordhiyay Wasaarad Cusub oo lagu magacaabay Wasaaradda Lacagta.

Sida ay qeexayaan Masuuliyiin farabadan oo ka tirsan Xukuumadda Ra'iisulwasaare Sharmaarke Isku shaandheynta marka la eego wax weyn lama kala bedelin iyadoo Xilkii laga qaaday Wasiirki Warfaafinta Dawladda Somalia waxaana xilkaasi loo Magacaabay Daahir Maxamuud Geelle oo isagu saxaafadda muddo ku soo dhexjiray ahaana Mulkiilaha Idaacadda Qur'aanka Kariimka ah.

Sidoo kale Wasaaradda cusub ee lacagta waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo loo yaqaan Inj Yariisow, oo hadda ah Madaxa Protocolka Madaxtooyada, isla markaana hore u ahaa Madaxa Xafiiskii Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde.
 
Waxaana isku shandheynta Golaha wasiiradda DFKMG ah ee somalia tahay sidatan:-
1- Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaa loo Magacaabay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, waxaana Booskiisii lagu badalay Cali Axmed Jaamac Jengeli oo hore u hayn jiray Wasaaradda Gaadiidka waxaase xusid mudan in Mudane Cali Axmed Jaamac Jengeli uu yahay nin Ruugcadaa siyaasadeed ah oo xilal ka soo qabtay Dawladi Dhexe ee Somalia (Wasiirkii Maaliyadda) isagoo sidoo kale Xubin wasaaradeed ka soo Qabtay Dawladi uu madaxda ka ahaa C/laahi Yuusuf axmed sida, Boostadda iyo Isgaarsiinta iyo Arrimaha dibadda waxaana sidoo kale uu ka mid noqday tiro xubno wasiiro ah oo iska casilay Xukuumaddi Ra'iisulwasaare Nuur cadde markii uu liicayay Taliskii Madaxweyne Yuusuf isla markaana u janjeeray dhanka Madaxweyne Yuusuf markii uu xoogaystay Khilaafki labadda Masuul.

2- Prof Maxamed Gaandi oo ahaa Wasiirka Gaashaandhiga waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaadiidka, waxaana Booskiisii lagu badalay Cabdalla Boos Axmed.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com