shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soomali lagu laayay Xabsiyadda dalka Liibiya.

(Tripoli,  August 11,  2009 Ceegaag Online)

Dalka liibiya waxaa uu ku yaala waqooyiga africa waxaana jooga Somali tiro ahaan gaaraysa 3000 oo somali kuwaasi oo tahriib ahaan u jooga wadankaasi Liibiya waxaana somalida ku nool wadankaasi badi ku jiraan Xabsiyo Qarsoodi ah oo ku yaala wadankaaasi liibiya hadaba waxaa isa soo taraya warar sheegay in dad soomali ah oo tahriib ahaan ujooga wadankaasi liibiya lagu laayay Xabsiyo ku yaala wadankaasi waxaana la sheegaya in maalinimadi shalay ahayd la dilay 20 Somalia ah oo isku dayay inay ka baxsadaan xabsi ku yaala Magaaladda Banqaasi ee wadanka Liibiya.

Dadkani soomaalida ah ayaa la laayay ka dib markii ay isku dayeen inay ka fakadaan xabsiyo ay ku jireen Mudooyin sanado ah waxaana markii ay baxsanayeen ka daaten Daaqadaha Xabsiga iyagoo doonayay inay ka baxaan Nolosha ciriirka ah balse Askar hubaysan ayaa Rasaas ooda kaga qaaday waxaana bartii ku nafwaayay dad tiradoodu gaarayso 20 oo dhalinyaro u badan kuwaasi oo ka ambabaxay Goboladda Somalia iyadoo sidoo kale uu dhaawac soo gaaray dad kale oo tiro ahaan dhan 50 Somali ah.

Khadar caraale oo ka mida dhalinyaradda soomalida ee wax ka barata liibiya oo aan kula xiriirnay khadka Tellka ayaa ii xaqiijiyay in Dadkani la laayay ay dhamaantod ahayen somali Tahriib doon oo doonayay inay u haajiraan dhankaa iyo wadamadda Yurub iyagoo doonayay inay Galaan Talyaaniga halkaasi oo buu yiri dad badan oo soomaaliyed ku guuleysteen inay tagaan balse buu yiri waxa muuqata in dadkii aanay ka rajo dhigin inay u ambabaxaan dhankaa iyo Talyaaniga waxaana uu ii sheegay inay jiraan warar ay faafiyen Sirdoonka Liibiya oo sheegaya in la xiray isu socodka Badda a ee Liibiya iyo Talyaaniga.

Isku soo wadda duubo xabsiyo badan oo ku yaala Liibiya ayaa waxaa ku jia dad badan oo soomaaliyeed kuwaasi oo tiro ahaan lagu qiyaasayo 3000 oo somali ah kuwaasi oo dalka uga cararay Dagaaladda aan dhamaadka lahayn iyo Shaqo la'aanta waxaana marka aad waraysatid dhalinyaradda qaarkood kuu shegayan inay xabsi ku jiraan muddo saddex sano ah iyado aanay jirin safaarad kuu dacwoonaysa mana aha markii ugu horaysay ee somali ku nool Liibiya tacadiyo iyo dhibaatoyin loo gaysto.

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com