shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir Lagu gorfeenayo xaalada Soomaaliya oo ka bilowday caasimada wadanka Maraykan ee Washington.

(Washington.  August 02,  2009 Ceegaag Online)

Warar nagasoo gaadhaya shir albaabadu u xiran yihiin oo loo qabtay in ay ka talo bixiyaan Sarakiishii Ciidamada Qalabka siday ee Soomaaliya ayaa sheegaya in shirku haatan galay ama marayo meel xasaasi ah iyada oo la magacaabay gudi afar ah oo soo diyaarinasa ajandaha shirku ku soconayo dhawrka maal mood ee inagu soo aadan.

Wararka aanu ka helano ilo wareedyo u dhuun daloola shirka ayaa sheegaya in shirka laysku dhaarsaday inaan wax sir ah dibada uga bixin balse durdaba ay soo baxayaan in Saraakiisha shirku isku raaceen in la taageero dawlada madaxwayne Sheekh Shariif.

Shirkan ayaa waxaa qaban qaabiyay Haayada Qaramada midiibay u qaabilsan arimaha Soomaaliya kadib culays uga yimid wadamada Qarbiga.

Shirkan ayaa waxaa laga casuumay oo qudha saraakiishii aan ku sibirirahan mixnada lasoo daristay dalka Hooyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Inkasta oo ay ku guuldareesteen inay badbaadiyaan qaranka Soomaaliya wakhtigii uu u baahnaa badbaadada ayaana lagaranayn sida ay haatan oo xeedho iyo fadhaal kala dheceen waxa taladoodu ka daaweenkarto afooyinka colaadeed eek u habsaday dalka Hooyo.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com