shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Aas-qaran oo loo sameeyay wasiirkii warfaafinta Puntland iyo Taliyihi Ciidamadda Booliiska Puntland oo dhintay.

(Gaalkacyo,  August 06,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta aasqaran loogu sameeyay Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug wasiirki warfaafinta Puntland alla ha u naxariiste Warsame cabdi shirwac(Seeftabanaanka) waxaana aaska ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland Dr:C/raxmaan faroole,Madaxwene K/xigeenka C/samad cali shire,G/Baarlamaanka C/rashiid maxamed xirsi ,Xubno ka tirsan golaha wasiiradda Dawladda,Xildhibaanadda Baarlaamka waxaana aad loo adkeeyay Amaanka magaaladda gaalkacyo iyadoo heegan sare la geliyay Ciidamadda Amaanka sugayay Madaxweynaha ayaa tegay magaalada Gaalkacyo ka dib markii uu Magaalada garoowe kaga qeybgalay aas qaran oo loo sameeyay Taliyihi Ciidmadda Booliiska Puntland G/sare Muuse axmed saalax.

Aaskani qaran ee loo sameeyay wasiirki Warfaafinta maamul goboleedka Puntland warsame cabdi ayaa waxaa ka soo qaybgalay kumanaan dadweyne ah oo murugaysan waxaana lagu aasay Qabuuraha bariga Magaaladda Gaalkacyo Madaxweynaha Puntland ayaa tacsi u diray Shacabka Puntland waxaana markii ay wefdigu tageen Magaaladda laga dareemay jawi aad u degan markii lagu arkay jidadka iyo wadooyinka Ciidamo xiran Darayska Ciidamadda Booliiska iyo kuwa daraawiishta.

Dhinaca kale waxaa habeenimadi xalay ahayd Abaarihi 9:30 fiidnimo ku dhintay Magaaladda Garowe ee xarunta Dawladda Puntland taliyihi Ciidamadda Bileyska Puntland G/sare Muuse axmed saalax(Juqurufi) waxaana dilkani yimi ka dib markii taliyuhu isku dhuftay Baaskoolad uu lahaa isla markaana ay xabadu kaga dhacday Madaxa iyadoo dhaawac ahaan loo gaarsiiyay Cusbitaalka Magaaladda garowe ayaa uu nafbaxay Taliyuhu waxaana saaka lagu aasay Magaaladda Garowe sababta uu u dhintay taliyuhu ayaa lagu macneeyay ka dib markii maalmihi ugu dambeeyay uu ka xanuunsanaa xaga dhimirka sida ay caa'iladiisu sheegen.
Dhanka kale markii saaka ay safarka dhulka ah ku jireen Masuuliyiinta Puntland waxaa wadada ku dhacay Gaari ay saarnayen Ilaaladi wafdigu waxaana dhintay labbo ka mid ah ilaalada halka 11 kalena dhaawacmen sida ay sheegayaan saraakiisha la tacaalaysa Dhaawaca 11 askari 6 ka mida ayaa xaaladoodu aad u liidata.
Isku soo wadda duubo shilalkani naxdinta leh ayaa Goboladda Puntland ka dhacay 24 saac ee la soo dhaafay waxaana dadku aad u hadalhayaan sida ay dhacdooyinkani isu badbadalayeen iyadoo Puntland ka soo baxday Maalmo farxad iyo raynrayn leh.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com