shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baarlamaanka Somalia oo qalinka ku duugay xaalad degdega oo dalka lagu soo rogo.

(Muqdisho,  August 19,  2009 Ceegaag Online)

Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa maalintii labaad shir ugu fadhiyay magaaladda Muqdisho ka doodista xukunkii degdega ah ee uu so jeediyay Madaxweyne Sharif sheikh axmed waxaana Doodi maanta ee Baarlamaanka somalia ku falanqeyen ansixinta Xaalada degdega ah ee dalka lagu soo rogay iyadoo nuqulo arrintaasi ku saabsan baarlamaanka horay loogu qaybiyay.

Fadhiga Mudanayasha Baarlamaanka Somalia ee maanta waxaa fadhiyay tiro xildhibaano ah oo gaaraya 480 xildhibaan iyadoo ay goobjoog ka ahaayen xubno ka tirsan Golaha wasiiradda Dawlada Somalia iyadoo qaar ka mida baarlamaanka somalia maanta dhaliilen xukunkaasi degdega ah waxaana ay ku tilmaamen mid sharci daro ah taasi oo lagu xalaaleysanayo Hantida shacabka soomaliyed waa sida ay hadalka u dhigeene.

Gabagabadi fadhigi baarlamaanka Somalia ayaa waxaa ansixiyay 451 xildhibaan waxaana diiday 23 xildhibaan halka 6 xubnoodna ka aamusen taasi oo u muuqatay in la ansixiyay xaalada xukunka Degdega ah ee dalka lagu soo rogay waxaana xildhibaano badan amaanen dalka oo xaalad degdega lagu soo rogo iyadoo ansixingta Baarlamaanku dabajoogto ansixintii Golaha wasiiradda dhawaantan ku ansixiyen in dalka xaalad degdega la geliyo taasi oo uu soo jeediyay Madaxweyne sharif

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com