shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barnaamijka Kediska Bisha barakaysan ee Ramadan iyo Ceegaag Online (Kaasho Maankaaga)

(Ceegaag,  August 29,  2009 Ceegaag Online)

Barnaamijka Kediska Bisha barakaysan ee Ramadan waa Baranamij ay idiin soo gudbinayso Shabakadda Warbaahineed ee Ceegaag Online waxaana saldhigu ah Aqoon kororsi iyo inuu qofku cilmi ku biiriyo Dadweynaha kale ee akhrisanaya waxaana u kala qaadaynaa Labba qaybood:-

1-Qeybtana waxaan ku so bandhigaynaa su'aalo iyo jawaabo laga faa'idaysanayo.

 2-Qeybta Labaad waxaan Akhristayaasha ugu soo gudbinaynaa su'aallo ay ka jawaabayaan oo ah (KAASHO MAANKAAGA).

Kediska Ramadaanka (Faa'idayso):-

1-Sheeg saxaabigi Fardaha ka dheereeyay?

Jw- Waa Salamatu Ibnu akwac

2- Sheeg dheecaanka jirka ku jira oo proteinska u kala burburiya?

Jw- Dheecaankaasi waxaa loo loo yaqaan Pepsin wuxuuna ku dhexjiraa (Gastric juice) isagoo markii uu kala burburiyo Proteinska jirka ku jira u kala qala qaybiya Polypeptides iyo Amino acids.

3-Sheeg meeshi ugu horaysay somalia oo laga beero khudaarta loo yaqaan Mooska iyo taariikhdi?

Jw- waxaa la beeray Mooska somalia sanadkii 1922dii waxaana laga beeray Meesha loo yaqaan Ducagelgi ee Abruusi iyadoo uu beeray Gumaystihii Talyaaniga.

4-Sheeg xoghayihii ugu horeeyay Qaramadda Midoobay?.

Jw- Waxaa uu ahaa Tygivie Lie.

5- Waxaad sheegta Garoonka Diyaaradeed ee ugu wayn caalamka iyo meesha uu ku yaallo?.

Jw- Waxaa lagu magacaaba Khalid International Airport oo ku yaalla Magaaladda Riyad ee Saudi Arabia.

6- Kala sheeg Wadamadda aduunka ugu yar uguna wayn?

JW. Dunida waxaa ugu wayn wadanka Ruushka waxaana ugu yar Dawlad Magaaledka Vatikan.

7- Sheeg Haweenaydii ugu horaysay oo Islaam ah oo shahiiday?.

Jw- Waxaa ay ahayd Sumaya Bintu Camaara.

8-Intee loo kala qaybiya Falgalka Chemistryga(Reactions)?.

Jw- Falgalka (Reaction) waxaa loo kala qaybiya labbo qaybood oo kala ah Chemical reaction iyo Physical Reaction.

9-Goormu dhacay heshiiski Itoobiya iyo Ingiriiska kaasi dhul somali leedahay xabashida lagu siinayay?.

Jw- wuxuu dhacay sanadihii 1942-1944 waxaana heshiiskaasi loo yaqaanay (Anglo Ethiopian).

10-Intee nooc baa loo kala qaybiya qulqulka Dhiiga (Blood Stream)?.

Jw- Qulqulka Dhiiga waxaa loo kala qaybiyaa A-Red Blood ( Dhiiga cas  B-White Blood (Dhiiga cad) iyo C-Plasma (xinjirta-blood coat).

Intaasi waxaan ku soo afmeeraynaa Todobaadkan Qeybta kororoso Aqoontadda ee Kediska Ceegaag Online hadana ka qaybgala Qeybta aan ugu talo galnay inay Akhristayaashu kaga jawaaban Su'aalaha aan soo bandhigayno iyagoo Jawaabaha su'aalaha noogu soo diraya Ciwaankan: ceegaag@hotmail.com

Ka jawaab su'aalahan Adoo kaashanaya Maankaaga iyo Maskaxdaadda:- 

1- Goorma ayaa la furtay Magaaladda Barakaysan ee MAKA ALMUKARAMA (FATXUL MAKA)?.

2-Sheeg  Dalmareenki helay Qaaradda America iyo Sanadkii uu helay?.

3- Sheeg xoghayihi Qaramadda midoobay ee ku dhintay shilka Diyaaradeed Sanadkii 1961?.

F.G:Jawaabaha su’aalaha noogu soo hagaaji cinwaanka ah ceegaag@hotmail.com cidii ka jawaabta waxaan todobaadka dambe ku so bandhigaynaa qeybta Ka jawaabay su’aalaha Kediska Ceegaag Oline.

Abdirashid Mohamed Dahir

Ceegaag Online-Somalia Office

Jawaabihii Barnaamijka Kediska Ceegaag Online iyo Fikirkii Akhristayaasha halkan ka aqriso.

webmaster@ceegaag.com