shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dadka Reer Afghanistan oo u dareeray Codbixinta Doorashooyinka Dalkaasi.

(Kabul,  August 20,  2009 Ceegaag Online)

Todobaadyadi ugu dambeeyay dalkaasi Afghanistan waxaa laga dareemayay Xamaasada Doorashadda oo ah mid dadku codadkooda dhiibanaya ayna tagayaan goobaha codbixinta waxaana codkooda dhiibanaya dad gaaraya 300,000 oo qof oo shacabka reer afghanistan ah iyadoo aad loo adkeeyay Amaanka goobaha Codbixintu ka dhacayso.
 
Guddiga doorashadda Afghanistan ayaa ku hawlan tirinta Codadka iyadoo afhayeen u hadlay Guddiga Doorashada Afghanistan shegay inay Degantahay Goobaha codbixinta ka dhacayso iyadoo maanta laga bilaabo wadankaasi Afghanistan yeelanayo Madaxweyne cusub oo hogaamiya shanta sano ee so socda.
 
Doorashadda dalka Afghanistan waxaa ku tartamaya Madaxweynihi hore ee Afghanistan Hamid Karzai,Abdulahi abdulahi oo ahaan jiray Wasiirki arrimaha Dibadda wakhtigii Jabhadi islaamiga ahayd ee Taliban dalkaasi ka talinaysay,Ashraf Ghani oo ahaa wasiirki maaliyadda ee wadankaasi ahna 59 sano jir ku takhsusay dhaqaalaha isagoo ka tirsanaa World Bank,Ramazan Bashardost oo isna ahaan jiray Wasiirki qorshaynta ee dalkaasi afghanistan waana 43 sano jir ka soo jeeda Qabiilka Hazara oo dega dalka Afghanistan,Mullah salam Rocketi taliyihi hore ee ciidamadda Afghanisan iyo Gabadha lagu magacaabo Frozen Fana oo waana dhakhtarad qaliiinka ah.
 
Doorashadda oo ay ku tartamayaan dhamaan musharixiintaasi ayaan wali la shaacin Natiijadda Codbixiyayaasha waxaana dadka doorashada uga qaybgalayaan Qeyb qayb maadama xaaladaha amaan ee Dalkaasi la isku halayn karin iyadoo la eegayo halka natiijadu ku dambeeyso.
 
Isku so wadda duubo dalka Afghanistan ayaa ku jira Dagaalo sokeeye oo aan dhamaanayn waxaana ka socda Dagaalo aad u kharaar oo u dhexeeya Xoogaga Nato iyo America oo iyagu dalkaasi faragelin milatary ku sameeyay sanadkii 2001 iyo Jabhadda Islaamiga ah ee TALIBAN iyadoo ay ka dheceen labadi maalmood ee ugu danbeeyay Magaaladda Caasimadda ah ee Kabul Qaraxyo Banbaano kuwaasi oo a ku dhinteen Dad gaaraya 40 qof.
 
Hamid Karzai(Madaxweynaha
Afghanistan).
 
Hamid karzai waa madaxweynaha Taladda Afghanistan haya waxaana uu xukunka hayaa ilaa iyo intii ciidamadda Maraykanku awooda ka tuureen xoogagi Taliban sanadkii 2001 waxaana uu ka soo jeda Dadka isirkoodu yaha Pashtun kuwaasi oo 40% ka ah shacabka ku nool Afghanistan Ololihis Madaxweynimo ee dhulalka miyiga ayaa uu ku helay taageero marka la eego Dadka uu ka soo jeedo oo mug weyn ku leh Dalkaasi Afghanistan isagoo madaxweyne ku xigeen u doortay Mohamed Qasim Fahim oo ahaa taliyihi hore ee xulufadda Waqooyi.
 
Karzai waxaa uu taageeray Dagaalki maraykanku ku qaaday Afghanistan sanadkii 2001 kaasi oo awooda lagaga tuuray xukunkoodi salka balaarna waxaana December 2001 loo magacaabay Hogaamiyaha Gudaha.
 
Bishii june 2002 Loya Jirg oo ahaa Gola dhaqameedyadda dalkaasi ayaa u doortay Madaxweynaha Dalka balse dad badan oo awood ku leh dalkaasi Afghanistan ayaa u arkay xaamid inuu dabadhilif u yahay Reer galbeedka kuwaasi oo ay Taliban ku jirto.
 
Karzai waa wiilkii caaqilkii Popalzai pashtuns waxaana aabihi iyo awoowihis ka mid ahaayen Dawladi Mohamed zahir shah oo ahaa boqor awood leh ilaa iyo 1973.ka dib faragelintii midawga soofiyeeti ku sameeyay Afghanistan Karzai iyo qoyskiisa way isaga tageen Afghanistan iyagoo tagay India waxaana Hamid Karzai galay jaamacadda Himachal Pradesh university oo ku taala India waxaana uu qaatay (MD) sanadkii 1982 isagoo ku takhasusay (political Science).
 
Intii lagu guda jiray Dagaalkii looga soo horjeday Sovietka wuxuu la shaqaynayay Mujahideen oo ahaa koox islaami ah oo doonayay inay Afghanistan ka saran Nidaamka Shuuciga ah iyadoo markii ay dhacday dawladi shuuciga ahayd ee uu hogaaminayay Mohamed Najibullah april 1992 ay kooxdi Mujahideen asaasen dawlad Isbahaysi ah waxaana Karzai loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda.
 
Isku soo wadda duubo Madaxweyne Hamid Hamid Karzai waxaa uu wakhtigu ka dhacay May 2009 balse sababo amaan awgood ayaa doorashadda dib loogu dhigay 20 August iyadoo dadka dhalila Madaxweyne xaamid karzai ku eedeyan in Dawladiisa Musuqmaasuq hareeyay.
 
Waxaa diyaariyay:-
Abdirshid Mohamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com