shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalo ka socda Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya (Warbixin).

(K.Soomaaliya,  August 20,  2009 Ceegaag Online)

Maalmihi ugu dambeeyay xiisado iyo Dhiilooyin colaaded ayaa ka taagnaa Qeybo ka mida Goboladda dhexe ee somalia iyo Koonfurta Dagaaladi ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Gobolka Gedo ee K/Galbeed Somalia waxaana dagaaladasi u dhexeeyen xoogaga islaamiyiinta Mucaaradka iyo Maleeshiyaad Taabacsan Dawladda KMG ah ee Somalia Dagaalkani ayaa Dawladda Somalia waxay ku qabsatay Labba degmo oo hoos yimaada Gobolka Gedo,Beledxaawo iyo luuq balse Dagaalka oo u muuqday Iska dabanoqnoqod ayaa waxaa hadana Dib ula wareegay xoogaga Alshabaab iyo Hizbul islaam kuwaasi oo ku midaysan Dagaalka looga soo horjeedo Dawladda Sharif sheikh axmed.

Dagaalka Gobolka Gedo ayaa waxaa hogaaminayay Maleeshiyadda Urur diimeedka Ahlu sunah waljameeca oo taabacsanaa Dhanka Dawladda KMG ah ee Somalia iyagoo markii hore Dagaal aan dhiig ku daadan kula wareegay Degmadda Beledxaawo ayaa waxaa ay hadana weeraren Degmadda luuq oo ku taala xuduuda waxaana ay ka saaren Alshabaab balse Kooxaha Mucaaradka oo abaabulan ayaa shalay Gabaldhici dagaal kharaar kula wareegay Deegaanadi horay looga saaray gaar ahaan Beledxaawo , wariye Madaxbanaan oo jooga Degmadda Baardheere Maslax maxamed ayaa u sheegay Shabakadda Ceegaag in khasaaraha ka dhashay Dagaalki shalay gaarayo 10 dhimasho ah iyo Dhaawac gaaraya 20 kuwaasi oo buu yiri ay ku jireen Dad rayid ah oo deegaanka ah.

Maslax waxaa uu sheegay in Magaaladda Beledxaawo xaaladeda Nabadgelyo Iminka Degantahay iyadoo koox diimeedka Alshabaab dadka deegaanka ugu baaqeen inay hawlohooda caadiga ah wataan sidoo kale Degmadda luuq oo ka tirsan Gobolka Gedo oo ay horay ula wareegen Ciidamada Dawladu ayay saaka waaberigi baneeyen waxaana Magaaladi soo galay Ciidamo ka tirsan Xisbulislaam.

Marka laga soo tago Dagaaladi ka dhacay Gobolka gedo waxaa maanta dagaalo kale oo aad u kharaar ka bilaabmen Gobolada Dhexe ee somalia waxaana Dagaal waaberigi saaka ka qarxay Degmadda Buuloburde ee Goboka hiiran kaasi oo soconayay ilaa iyo 1:00 waxaana dagaaladasi u dhexeyen Xoogaga mucaaradka iyo Ciidamadda Dawladda Somalia.

Dagaalka Buuloberde ayaa waxaa la sheegaya inay ku itaal roonaaden Ciidamadda xoogaga mucaaradka(Alshabaab iyo Xizbul Islaam) iyadoo ilo xog ogaal ah oo aan la xiriirnay noo sheegayaan in Ciidamadi Dawladda ee Dagaalka ku soo qaaday Buuloberde dib ubu laabteen Tuuladda Halgan oo ku taala Duleedka Koonfureed ee Magaaladda Beledweyne waxaana Dagaalki buuloberde keenay khasaare aad u baaxadweyn iyadoo Ciidamadda Dawlada la sheegay inay madaafiic ku gaaracen Gudaha Magaaladda oo ay masaajid ku dhacday Madaafiicda Habawga ah.

Sidoo kale Dagaal la xiriirsan kaasi ayaa ka qarxay Afaafka hore ee magaaladda Beledweyne Saaka barqanimadi waxaana Dagaalkani la sheegaya in Gudaha magaaladda la isla soo galay iyadoo xoogaga Alshabaaab haystan Qayb ka mida magaaladda gaar ahaan xaafadda Hawlwadaag ee Magaaladda beledweyne Dagaalka beledweyne faahfaahin dhab ah oo ka soo baxaysa ma jirto balse warar kale aya sheegaya in Ciidamadda Itoobiya soo gaaren meel u dhaw Airoportga Magaaladda Beledweyne.

webmaster@ceegaag.com