shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda Itoobiya oo dad ka Qabqabatay Degmadda Shilaabo ee Dhulka Ismaamulka Somalida.

(Shilaabo,  August 08,  2009 Ceegaag Online)

Wararka ka soo baxaya dhulka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamadda Itoobiya ay dad aad u fabadan oo somali ah ka qabqabatay Degmadda Shilaabo ee Gobolka Qorahay dhulka Ismaamulka Somalida Itoobiya waxaana dadkani la sheegay inay tiro ahaan gaarayan 78 qof oo shacabka reer Shilaabo ah waxaana dadkani ay qabqabteen ciidamadda Itoobiya isugu jireen,Culuma'udiin, Ganacsato, Odayaal dhaqameed, Dumar iyo dhalinyaro deegaanka ah iyadoo qaar ka mida dad goob joogayaal ah shaaciyeen in dadkaasi jirdil loo gaysanayay markii la kaxaynayay.

Dadka deegaanka Ismaamulka somalida ee Itoobiya ayaa ku andoocanaya in Dawladda Itoobiya iska caadaysatay inay dadka xirxirto oo ay xabsiyo ku rido taasi oo bay dhehen lala xiriinayo inay xiriir la leeyihin Jabhada ONLF oo ah jabhad dagaal ba'an kula jirta Itoobiya waxaana dadka deegaanku sheegen in cadaadiska noocaani ah uusan ahayn cadaadis hadda yimi balse ay tahay mid dadka soomalida Itoobiya la kulmaan sida caadiga ah.

Isku soo wadda duubo dhacdadaan dadka lagu xirxiray ayaa imaanaysa iyadoo Deegaano badan oo ka tirsan dhulka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya ay jiraan Dagaalo aad u ba'an oo u dhexeeya Jabhadda Gobanimo doonka ah ee ONLF iyo Ciidamadda Dawladda Itoobiya waxaana dagaladu sababeen dhimasho iyo dhaawac aad u ba'an iyadoo ay yartahay xogaha dhabta ah ee laga helayo dhulkaasi oo aan isgaarsiintiisu wanaagsanayn.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com