shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhaqdhaqaaqa Suuqyadda xiliga lagu jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

(Bosaaso,  August 27,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa si aada xawli ugu socda dhaqdhaqaaqa Ganacsiga suuqyadda waaweyn ee Somalia mar aan tegay suuqa weyn ee Magaaladda Bosaso ayaan ku arkay dad aad u farabadan oo adeeganaya alaabadda lagu soomo iyo kuwa lagu suxuurto marka la eego bisha ramadaan habka Adeegsida qoysaska Somalidu waa ka duwanyahay Bilaha kale.

                                           

Dadka usoo adeeg tagaya Suuqa ayaa iibsanaya Badeecadaha isugu jira,Sonkorta,burka,Saliida,Timirta iyo Boorashka iyadoo sidoo kale la adeganayo khudaarta noocyadeeda kala duwan ee tuban suuqyadda waaweyn ee Puntland sitey Site macalin cali waxay ka mid tahay Ganacsatadda Khudaarta iyo alaabadda soonka waxayna iiga waramaysaa Isbedelka suuqa xiliga lagu jiro Bisha barakaysan ee Ramadan"Runtii waa ka duwanyahay suuqu sidii hore alaabo gooni ah ayay dadku iibsadaan waxaana dhihi karnaa xooga macashki baa kor u kacay hadda inta bisha barakaysan ee Ramadanka lagu jiro balse suuqa ganacsigiisu xawli buu ku socdaa".

Sidoo kale suuqyadda lagu iibiyo dharka ee Magaaladda Bosaso ayaa laga dareemaya dhaqdhaqaaq ganacsi maadama dadka ay usoo beectagaan suuqyada Dharka si ay usii gataan dharka ay ubadkoodu ku ciid lahaayen Marka la gaaro Ciida bisha Ramadaan.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com