shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faarax A.xooshle "Degmadda Bayla Burcad badeed baa la wareegtay".

(Bander Bayla,  August 16,  2009 Ceegaag Online)

Degmadda Bandar beyla ee Gobolka karkaar ayaa waxay tahay Degmo kulaasha xeebta Badweynta Hindiya waxaana maalmihi ugu dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in Degmadaasi ay ku xoogeysten Kooxo burcad badeed Somali ah hadaba si aanu arrintaasi wax uga ogaano ayan waraysi la yeelanay Gudoomiyaha Degmadda Beyla Faarax axmed Xooshle waxaana uu nooga waramay xaaladahi ugu dambeeyay ee Degmadda Beyla.
 
Faarax axmed Xooshle Duqa Degmadda Beyla ayaa shaaciyay in Degmadda Beyla aanay ka arrimin maamulki Degmadda iyo Gole deegaan midna isagoo hoosta ka xariiqay inay Degmadda bayla ka arrimiyaan Burcad badeed Somali ah waa sida uu hadalka u dhigaye "Waxaa waayahan dambe ku soo badanayay oo soo gelayay Degmadda bandar-Bayla nimanka burcad badeeda la yiraahdo aad iyo aad bayna faraha ugu dhigeen Degmada iyagana ka arrimiya gacanta maamulkina waa ka baxday Degmadda Bayla waxana la wareegay niman Burcad ah (Burcadbadeed) oo Gobolo badan isaga yimid oo rag deegaanka ah wadaan waxayna ka dhigeen xarun burcad oo ay isugu soo ururaan Nimankaasina dhibaato ayay deegaanka ku hayaan oo dadkii Degmadda u dhashay bay madaxfurasho(Baad) ka qaadaan".
 
Gudoomiyaha Degmadda Bayla ee Gobolka karkaar ee maamul Goboleedka Puntland faarax axmed xooshle ayaa sidoo kale meesha ka saaray inaanay jirin awood ay ka maamul ahaan ku maamulaan degmadda isla markaasna aanay degmadi ku sugnayn golihi deegaanka iyo masuuliyiinti degmadda Bayla waxana uu sidoo kale xusay in kooxda Burcad badeedda ah ay dadkii deganaa Degmadda beyla ka xanibeen Biyihii iyagoo ka qaadanaya dadka lacag ay biyaha ku shubtaan oo buu yiri Madaxfurasho dadkii weydiisanaya waa sida uu hadalka u dhigaye.
Gudoomiyaha Degmadda Beyla Faarax axmed Xooshle ayaa si aan ka leexleexad lahayn shaaca uga qaaday in Degmada maamulkeedi ay la wareegen Burcad badeeda ka qawlaysata Xeebaha Puntland"Waxaan cadaynaynaa inay Degmada ka taliyaan Burcad badeed Isbahaysi ah waana run aad iyo aad bay ula wareegen wayna haystaan Lacagna waa ku haystaan hubna waa haystaan meeshasayna gacanta ku dhigen hadde dawladana waxaan ugu baaqnay waxbadan arrimahaas in loo soo jeesto waxna laga qabto ilaa hadda labadi todobaad ee ugu dambeeyay iyaga meesha haystay".

Faarax axmed xooshle Gudoomiyaha Degmadda Bayla waxaa uu sidoo kale xusay inay kooxdani xiriir la leeyihiin ururadda Argagixisada ah isagoona sheegay in warar ay heleen tibaaxayaan in ay doonayaan inay Hub kootarabaan ah ka soo dejiyaan xeebta Beyla si ay hawlohooda usii laba jibaaran hubkaasi oo buu yiri ay ka so gadanayaan Dalka Yaman.
 
Gabagabadi Gudoomiyaha Degmadda Beyla oo aan wax ka waydiinay inay la xaajoonayana Burcadda Degmada ka soo baacsatay ayaa yiri"Niman burcado shufta ahoo hubaysan sharaftayada iyo karaamadayada maaha anaga inaan

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com