shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Goboladda Puntland oo laga xusay sanaadguraddi 11aad ee ka soo wareegtay Asaaskii Puntland(SAWIRO).

(M.G.Puntland.  Aug 01,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo ay tahay maanta 1da bisha Augusto oo ah wakhtigi dhidibadda loo taagay maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa laga xusay inta badan Goboladda Puntland waxaana laga xusay Magaalooyinka Bosaso,Qardho,Garowe,Gaalkacyo iyo degmooyin kale waxaana si aada qorshe wayn looga xusay Magaaladda Garoowe ee xarunta Maamul Goboleedka PUntland.

Aroorti hore ee saaka ayaa barxadda wayn ee magaaladda Garowe waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u farabadan iyadoo wadada laamigana la xiray iyo baraha Kantorooladda ee Magaaladda Garowe Boqolaal kun oo qof ayaa ka soo qeyb galay Xafladda xuska 1 Agoosto oo lagu qabtay barxadda weyn ee bartamaha magaalada Garowe ee xarunta dawladda Puntland, kuwaasi oo iskugu jiray qeybaha kala duwan ee bulashada ku dhaqan dhammaan gobollada kala duwan ee dawladda Puntland kuwaasi oo safar uga yimid meelo kala gadisan si ay uga qeyb galaan munaasabadda xuska 1 Agoosto.

Munaasabaddaan oo ahayd middii ugu ballaarnayd ee abid loo sameeyo 1 Agoosto oo ah asaaskii dawladda Puntland ayaa loo diyaarshay si cajiib badan ku dhalisay dhammaanba bulshadii ka soo qeyb gashay xafladdaasi, waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha PL C,raxmaan Maxmuud Faroole, ku xigeenkiisa Gen, C/samed Cali Shire, inta badan xubnaha golaha wasiirada ee PL, gudoomiyaha Barlamaanka iyo marti sharaf kale.

Jawiga ayaa ahaa mid farxad iyo dareen qiiro xambaarsan oo dadku ay aad ula dhacsanaayeen, waxaana goobta koox koox u marayey qeybihii kale duwanaa ee loogu talagay inay ka qeybgalaan sida fardo lagu shixnaday calanka Somaliya ayna saaran yihiin dhallinyaro dhar cad ku labisan. gabdhao xiran calanka Somaliya, Ardayda iskuulada iyo jaamacdaha, uruda haweenka, shaqaalaha wasaaradaha, dadka soo barakacay, kooxaha ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, kooxaha ciyaaraha oo mid kasta wato calaamado u gaara ayaa soo maray.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay oo shalay ka soo laabtay socdaal uu uga yimi Wadamo ku kala yaala America iyo Yurub waxaana uu ka hadlay,Nabadgelyadda,Dhaqaalaha,Horumarinta iyo caafimaadka isagoo sheegay in xukumadiisu qorshahasi ku talo jirto isla markaasna uu xooga saarayo sidii iyana loo soo celin lahaa Goboladda Puntland ka abtirsada ee ka maqan.

Sidoo kale munaasabado kuwaan la mida waxaa lagu qabtay Magaalooyinka Bosaso iyo Qardho iyadoo bosaso ay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee magaaladasi waxaana ka soo qaybgalay masuuliyin ka tirsan Golaha xukuumadda iyo shacab badan.
 
By:Abdirashid Mohamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com