shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mudaharaadyo Ka dhacay Magaaladda Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

(Hargaysa,  August 20,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta ka dhacay Magaaladda Hargeysa ee Maamulka Somaliland Mudaharaadyo dibadbax oo ay dhigeen Taageerayasha xisbiyadda Mucaaradka Maamulkaasi waxaana Dibadbaxani soo abaabulay Labadda xisbe ee KULMIYE iyo UCID iyadoo ay horay ugu baaqen Dibadbaxyadda Masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaridka.

Dibadbaxayaasha reer Hargeysa ayaa usoo dhaqaaqay Fagaaraha Beerta xoriyadda ee Magaaladda hargeysa balse ciidamadda Biliiska ayaa ka hor istaagay inay Gudaha u galaan Balse Waxaana mudaharadayaashu tageen Fagaare lagu magacaabo Madasha oo aan ka fogayn Goobta laga horistaagay halkaasi oo ay buuq iyo sawaxan ka saameyen.

Kooxaha mudaharaadka dhigayay oo taageerayay Mucaaradka ayaa ku hadaaqayay Erayo lidi ku ah Dawlada ka arrimisa Somaliland ee uu majaraha u hayo Madaxweyne riyaale waxaana Dibadbaxayaashu sheegayen in ay haboontahay in aanu xukunka sii hayn Riyaale iyagoo aad u amaanay Siyaasada Xisbiyadda mucaaradka ee ay kala hogaamiyan Feysal cali waraabe iyo Axmed siilaanyo.

Goobtii ay ku sugnaayen Dibadbaxayaashu ayaa waxaa soo gaaray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Feysal cali waraabe isagoo Ereyadisu u badnaayen kuwo uu ku dhaleecaynayo Xukuumadda Somaliland ka talisa(Xisbiga udub) waxaana uu hoosta ka xariiqay in Haddi ucid qabato majaraha hogaaminta Maamulka Somaliland horumar keeni doonto,Isku soo wadda duubo Mudaharaadyada ay dhigayaan Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland ayaa ku soo adaya xili maalintii shalay ahayd uu Hargeysa Yimid Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr:Takadu Alemu oo la sheegay inuu ka qaybqaadanayo xalinta Khilaafadyadda siyaasadeed ee Hareeyay Maamulka Somaliland.

Daawo Sawirada

webmaster@ceegaag.com