shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Laba weriye oo ka tirsanaa Radio Horyaal ee Magaaladda Hargeysa oo Xukun lagu riday.

(Hargeysa,  August 10,  2009 Ceegaag Online)

Xukuumadda Somaliland ayaa xukun ku riday Labba weriye oo ka tirsanaa Radio Horyaal oo ku yaala Magaaladda Hargeysa ka dib markii wariyayaashani laga soo qabtay Xafiiska Idaacadda horyaal waxaana ay mudooyinki ugu dambeeyay ku xirnaayen Xarunta Dambibaarista ee Magaaladda Hargeysa.

Labadani wariye ayaa maxkamadda la saarayay socotay Muddo waxaana Dacwadoodi la soo gabagebeeyay Maalintii khamiista ahayd waxaana xukunka wariyayashan loo mudeeyay in la qaado maalinta Axadda iyadoo xukunkii wariyayaashana la riday shalay oo axad ahayd iyadoo Xeer ilaalinta Somaliland sheegtay inay ku guuleysteen inay cadeeyan Eedaymaha lagu soo oogay Suxufiyiintani ka hawlgalayay Magaaladda Hargeysa.

Xeer ilaalinta ayaa intaasi ku dartay in Wariyayaashani ka tirsanaa Radio Horyaal ee Magaaladda Hargeysa loo haystay warar ay baahiyeen kuwaasi oo dhaliyay Khasaare naf iyo maalba leh oo ka dhacay Galbeedka somaliland waa sida ay hadalka u dhigene waxaana maxkamadda Magaaladda Hargeysa oo xukunka laga fulinayay ku xukuntay labadda weriye ee kala ah Sayid Cismaan Mire iyo Axmed saleeban Dhuxul midkiiba ku xukuntay 6 bilood iyo 300,000 Sh.somaliland ah iyadoo wariyayaashi ay iibsadeen xukunkii lagu riday waxaana wariyayaashi xukunka lagu riday dib u heleen xoriyadoodi markii ay ku iibsaden xukunkii 2,500,000 Sh/sl, marka la isu geeyana ay noqonayso 5,000,000 [Shan Milyan oo shilinka Somaliland ah] iyagoo cadeeyay inay dib wadayaan hawlohoodi saxafinimo ee Radio Horyaal.

Isku soo wadda duubo Xariga suxufiyiinta ayaa somaliland ku fiday sanadihi ugu dambeeyay waxaana horay xarig loogu gaystay wariyayaal ka tirsanaa Wargeyska Haatuf iyo saxafiyiin kale oo madaxbanaan oo ka hawlgalayay somaliland.

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com