shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ergayga Gaarka ah ee QM somalia u qaabilsan Ahmedu Walad Abdalla oo Tegay Yaman.

(Sana'a,  August 14,  2009 Ceegaag Online)

Ergayga Gaarka ah ee QM somalia u qaabilsan Ahmedu walad Abdalla ayaa maanta oo jimca ah tegay Magaaladda Sanca ee wadanka Yaman waxaana uu halkaasi u tagay kulan uu la yeelanayo Masuuliyiinta Wadankaasi yaman oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cali cabdale saalax sida ay qortay Wakaaladda wararka ee Yaman SABA waxaana Walad Abdala ujeedada uu u tagay Sanca lagu sifeeyay sidii ay uga munaaqashooyin lahaayen madaxda dalka yaman xal u helista Dhibaatadda ka taagan Somalia oo hadda maraysa Heerki ugu saraysay.
 
Mr:Abdala ayaa Yaman ugu baaqaya inay qayb ka qaadato dadaalka Nabadda ee ay waddo Qaramadda midoobay kaasi oo salka ku haya sidii somalia xal loogu heli lahaa oo ilaa maanta cagaha la sii gelaysa fowdo iyo Rabshado siyaasadeed taasi oo ay hadda ka jirto Dawlad aan salbalaarnayn cago badana ku taagnayn.
 
Madaxda dalka Yaman ayaa la filayaa inay Walad cabdala ku qanciyaan inay taageero u hayaan sidii somalia xal loogu heli lahaa Dhibaatadda ka jirta isagoo dubaba la kulmay Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Yaman Abukar Al-qirbi kalana hadlay sidii wax looga qaban lahaa mushkiladaha ka jira Qaar ka mida dalalka ku yaala Geeska Africa oo somalia ugu horayso iyadoo uu caawana la kulmayo Madaxweyne Cali cabdale saalax

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com