shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Puntland oo warsaxaafadeed ka soo saartay Dilkii wasiirka Warfaafinta.

(Garoowe,  August 05,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo maanta lagu dilay Gudaha magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug wasiirki warfaafinta Puntland Warsame cabdi shirwac seefta Banaanka ayaa waxaa galabta shir degdega oo ay isugu yimaaden golaha wasiiradu ka soo saareen warsaxaafadeed ku saabsan dilka wasiirka isla markaasna lagu cambaareyay sida uu u dhacay dilka foosha xun waxaana ay ka soo saareen warsaxaafadeedkan.

Warsaxaafadeed.

Maanta oo ah Arbaco,5/08/2009 saacaddu markay ahayd 12:30 duhurnimo,waxaa bartamaha Magaala madaxda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo fal dil bareer ah oo qorshaysan loogu geystay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta.hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland,Warsame Cabdi Shirwac.

Ilaah ha u naxariistee,wasiirku wuxuu ka mid ahaa wefti ballaaran oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland oo Gobolka Mudug muddo bil ah u joogay hawlo la xiriira suggidda Amniga Gobolkaas.sida la ogsoon yahay,Gobolka Mudug wuxuu xuduud la wadaagaa Gobollada Dhexe ee Soomaaliya iyo Kililka Shanaad ee Dalka Itoobiya waxaana Magaala madaxdiisa Gaalkacyo hore uga dhici jirey dilal qorshaysan oo loo geysto dadka Birmageydada ah oo Dalka iyo Dadkaba waxtarka u leh.
waxaa hore dilalkaasiqorshaysan loogu khaarajiyey hoggaamiye dhaqameedyo,aqoonyahano,Ganacsato iyo saraakiil dowladeed.Golaha wasiirada Dowladda Puntland oo shir degdeg ah galabta isugu yimid waxa ay u aqoonsadeen inuu fal dambiyeedkaasi yahay mid siyaasadeed oo qorshaysan cid kasta fulintiisa ha loo adeegsadeen,iyadoo loola jeedo in ammaanka, deganaanshaha iyo sumcadda Puntland lagu waxyeeleeyo.iyadoo lagu guda jiro baarista aqoonsiga iyo soo qabashada ciddii falkaas foosha xun geysatay isla markaana sharciga la hor keeni doono.
Wuxuu golaha xukuumaddu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, eheladdii, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana shacabka Puntland oo uu Wasiirku ka geeriyooday wuxuuna ilaahay uga baryayaa inuu jannatu Fardowsa ilaahay hoy uga dhigo.

Dhammaanteenna samir iyo iimmaan alla ha naga siiyo Ammiin Ammiim Ammiin
Inaalilaah wa inaa ilayhi la Raajucuun.

Calibare Jaamac Gibin
Agasimaha Guud ee Madaxtooyada.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com