shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Madaxda Africa oo ka furmay Tripoli Liibiya(Faallo).

           (Tiriboli, Liibiya,  August 31,  2009 Ceegaag Online)   

   

Maanta oo isniin ah waxaa Magaaladda Tripoli ee Caasimadda Wadanka Liibiya shir uga furmay Madaxda Midawga Africa loogana Munaaqashoonayo xasaradaha ka taagan Africa waxaana Arrimaha looga doodayo shirka ugu horeeya xaaladaha Somalia iyo Gobolka Daarfuur ee Suudaan iyadoo ay jiraan wadamo kale oo ku yaalla mandiqadda oo dhibaatoyin ka jiraan.


Ka hor Kulanka Madaxda waxaa kulmaya Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Wadamadda ku yaalla Africa iyadoo loogu talagalay Kulanka wasiiradda in looga doodo loogana Baaraandego Jadwalka shirka iyo waxa looga doodayo sida ay sheegtay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Muna cumar waxaa sidoo kale shirka looga hadlayaa khilaafaadka u dhexeeya Suudaan iyo Chad waxaana la isku dayaayaa in Heshiis is afgarad la dhexdhigo Madaxweynaha Chad Idiris Deybi iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar xasan Albashiir.
 
Muna cumar ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday inay lagama maarmaan tahay in xaalada somalia laga doodo iyadoo carabaabtay in arinta somalia looga hadlayo Tiro Afkaar iyo Hindiseyaal ah oo ku aadan xalinta Mushkiladda Soomaliya iyadoo Go'aan midaysan la qaadan doono waxaana maalinta Berrito ah dalkaasi ka dhacay Dabaal deg loogu dabaaldegayo sanad guuradi 40aad ee ka soo wareegtay wakhtigi Liibiya xoriyadda ka qaatay Talyaaniga.
 
Somalia:-
 
Somalia waxay ku taalla gobolka Geeska Africa waxayna kulaasha gobol ay ka jirto Xasarado Caalami ah oo ah Gobolka Geeska Africa waxaana Somalia ka jiray Qulqulatooyin siyaasadeed muddo gaaraysa 20 sanadood wakhtigaas oo au dhacday Dawladi Militaryga ahayd ee uu hogaaminayay Marxuum:Maxamed Siyaad barre waxaana Somalia intii ay burburka ahayd ku jirtay siyaasad aad u mugdi ah oo aan lahayn sal iyo raad maadaama ay jireen Rag badan oo somali ah kuwaasi oo aan doonayn Midnimadda umadda somaliyed waxayna isugu jiraan Qabqablayaal iyo Hogaamiyayaal Qabaa'il iyadoo muddooyinkii ugu dambeysayna Siyaasadda somalia ay lugta ku walaaqayen Wadaadada oo looga bartay fidinta diinta Islaamka iyo inay ku soo hirtaan Mujtamaca Islaamiga ah.
 
Hayeshe arrinta somalia oo aan ka eegayno siyaasiyan ayaa ah mid aad u qasan hadda maadaama ay dalka ka jiraan Awoodo aan la isbarbardhigi karin,Dawlada KMG ah,Alshabaab,Xisbul Islaam,Puntland iyo Somaliland waxaana siyaasadi Somalia dhaxal u noqotay faragelin caalamka kaga timaada taasi oo siyaasadda somalia mugdi gelisay wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 oo ahaa wakhtigi beesha caalamku ku hamiday in somalia loo dhiso Dawlada waxaana ilaa iyo sanadkii 2000 somalia soo maray 3 xukuumadood oo ay kala hogaaminayan C/qaasim iyo C/laahi yuusuf o ku fashilmay xal u helida Arrinta somalia walaw ay hadda jirto dawlad uu majaraha u hayo wadaadka Siyaasadda somalia Dacalka soo qabsaday sanadihi ugu dambeeyay Sheikh sharif sheikh axmed oo Dawladisu aanay lahayn awood saas u buuran waxayna ka talis,Dekedda,Madaxtooyadda iyo Airporga Muqdisho iyadoo ay waardiyeyan Ciidamada AMISOM.
 
Ururadda Alshabaab iyo Hisbulislaam waa quwado Diimeed somalia ka jira waxayna Maamulaan Gobolo badan oo ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta somalia halkaasi oo ay u sameyen Maamulo Islaami ah iyagoo sheegaya inay Awooda ka tuurayan Dawlada hadda jirta oo shir dib heshiisined oo jabuuti ka dhacay lagu soo dhisay mase cadda halka ay u jeedaan Alshabaab iyo Hizbulislaam oo hadda ka midaysan in lala dagaalamo DKMG ah iyo Ciidamadda nabad ilaalined ee AMISOM waxaase somalia hadda ka jira Labba maamul,Puntland iyo Somaliland oo ka xasiloon qaybaha kale ee somalia iyadoo Somaliland ku andacoonayso Inay ka go'day Somalia balse Puntland ayaa udub dhexaad u noqon karta Dawlad kasta oo Somalia laga yagleelo.
Darfur(Sudan):-
 
Gobolka Darfuur ee koonfurta Wadanka suudaan waxaa 10kii sanoe ee ugu dambeeyay ka jiray Siyaasad aad u qalafsan oo Dagaal ah waxaana Gobolkaasi ku fadhiyaa dhul gaaraya 493,180 square kilometers (190,420 sq mi) waxaana ugu waaweyn saddexdan Magaallo,Al Fashir, Nyala, and Geneina,Gobolku waxaa uu ku yaalla dhul buuraley ah waxaana asaaskiisi lahaa Dadka loo yaqaan Daju oo lagu naanaysi jiray Darfurian waxaana Dagaaladi ugu xumaa ka dhacen Gobolka Darfuur sanadihi 2003-2004 balse wakhtigasi wixii ka dambeyay waxaa jiray Heshiisyo aan cago badan ku taagneyn iyadoo xaaladaha Bani'aadanimo ee Gobolkaasi aad u liidato waxaana jira Warbixino badan oo Ha'adaha Bani'aadanimadu ku tilmaamen Gobolkaasi mid xaaladisu aad u adagtahay iyadoo ay jiraan Dhibaatoyin bani'aadanimo oo isugu jira,Dhac,Dil iyo Kufsi waxaana si sharci daro ah loo dilaa dadka rayidka ah ee waxba galabsan taasi oo keeni karta Dhibaato aad u laxaad badan marka la eego xaaladaha bani'aadanimo ee Gobolka iyadoo sanadkii 2008 xaaladu meel halis ah gaartay.


Waxaa xusid muddan in 14 jully xeerilaaliyaha Guud ee maxkamadda Dambiyadda dagaalku amar ku bixiyay in la soo xiro Madaxweyne Cumar Xasan albashiir oo ay sheegeen inuu Dabmiyo Dagaal ka galay Gobolka daarfuur iyadoo uu jiray cadaadis beesha caalamku saartay xukuumadda Khartoum kaasi oo ahaa in la sameeyo wadahadalo nabadeed oo lagu joojiyo Dhiiga daadanaya waxaana ugu dambeeyay wadahadalkii nabadda ee lagu qabtay Qatar waxaana jiray Heshiis ka horeeyay kaasi oo bishii may 2006 la aqabtay waxaana loogu magacdaray(DPA)Darfur Peace agreement.


Isku soo wadda xooriyo xaaladaha ka taagaan Gobolka darfur ee wadanka Suudan ayaa aad u xun waxaana Dawladaha reer Galbeedku aad u colaadiyan Dawladda Khartoum ee uu hogaamiyo Cumar albashiir waxayna ku eedeyan inuu hubeeyo Maleeshiyada Islaamiga ah ee hubaysan iyadoo u dagaal kala dhexeeyo Jabhadda JANJAWEIGH oo ah jabhad dagalyahano ah waxaase taasi sii dheer in la sheego in Dalka suudaan laga soo abaabulo Dagaalo ay jabhaddaha mucaaradka Chad ku doonayaan inay Awooda kaga tuuran Xukuumadda Madaxweyne Idiris Deybi.
 
Gabagabo:-
 
Gabagabadi warbixintan aan ku gorfaynayo xaaladaha shirka Madaxda midawga africa ee maanta furmaya,Dawladaha Ereteria iyo Ethopia ayaa iyana waxaa u dhexeeya muran dhuleed ku qotoma Xuduuda labadda dal ka dib markii xukuumadda Asmara ka xorowday Ethopia 1993 wakhtigaasi oo Ereteria noqotay Dawlad xor ah oo ka madaxbanaan Boqortoyadi Ethopia balse murankooda ayaa isu bedelay Arrinta somalia marki somalia noqotay Goob ay ku dul dagaalaman Labadaasi dawladood iyagoo kala hubanayna Mucaaradka Islaamiyiinta ah iyo Dawladda KMG ah ee somalia.


Isku soo wadda xooriyo waxaan eegaynaa Natiijadda shirka Madaxda midawga africa ee ka furmay Magaaladda Tripoli ee wadanka Liibiya iyadoo Africana tahay Gobol xasarado u joog ah marka la eego Goobaha aan soo xusnay,waxaase jira Guulo midawga africa ka gaaray xasarado siyaasadeed oo ka taagna Madagaskar iyo Ginibisaw.
 
Abdirashid mohamed Dahir
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com