shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wadaado Tabliiq ah oo lagu Dilay Masjid ku yaala Magaaladda Gaalkacyo.

(Gaalkacyo,  August 12,  2009 Ceegaag Online)

Waaberigi hore ee saaka ayaa waxaa lagu dilay  banaanka hore ee masaajid ku yaala Gudaha magaalada Gaalkacyo Wadaado Tabliiq ah oo u dhashay wadankaasi Pakistan  wadaadada ayaa lagu dilay fadinka hore ee masjid lagu magacaabo Towfiiq kuna yaala dhabarka dambe ee Iskuulka umada oo ku  yaala Bartamaha Magaaladda Gaalkacyo waxaana dilkani gaystay kooxo Qowleysato ah oo afku u duubna sida dad Goobjoogayaal ah u sheegeen Ceegaag Online.

Dilkani lagu dilay wadaadada masaakiinta ah ee u yimi dalka Somalia fidinta Diinta islaamka ayaa yimi ka gadaal markii Raga dilkani gaystay gudaha u galeen Masaajidka Towfiiq iyagoo banaanka ula so baxay shan ka mida wadaadada oo iyagu markaasi ka soo baxay salaadda Subxeed waxaana markii ay marayeen Fadinka hore ee masaajidka ku fureen rasaas iyagoo u geeriyooday rasaasti waxaana sido kale dhaawac soo gaaray saddex qof oo ku tukanayay Masaajidka waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in dableydii dilka foosha xun gaystay u carareen Koonfurta Gaalkacyo.

Dilkani loo gaystay Wadaadada Tabliiqa ah ayaa waxaa si aada uga xumaaday dadweynaha Magaaladda Gaalkacyo waxaana Goobti dilku ka dhacay soo gaaray Ciidamadda Booliiska Maamulka Puntland iyagoo xiray jidadka iyo wadooyinka soo gala goobta dilku ka dhacay waxaana shantii Wadaad ee dhintay la geeyay Masjidka Towfiiq  iyadoo ragii dhaawacu soo gaarayna lagu dabiibayo Cusbitaalka mana cadda ilaa hadda sababta dilkani keentay balse waxaa maanka lagu hayaa in magaaladda gaalkacyo tahay goob aad u khatar badan marka la eego dhinaca amaanka waxaana horay loogu dilay masuuliyiin iyo waxgarad waxaana dilkani ku soo beegmayaa xili magaaladu tahay Bandaw iyadoo ay magaaladda Gaafwaregayan Ciidamadda Booliiska.

Isku so wadda duubo wadaadada shanta ah ee lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo ayaa qeyb ka ahaa 25 Wadaado tabliiq ah oo ka  yimi Pakistan waa markii ugu horaysay oo Gudaha puntland lagu dilo wadaado Tabliiq ah inkastoo Magaaladda Qeybteeda Koonfureed ay gacanta ku hayaan Urur diimeedka Ahlu sunah waljameeca..

     *******************************************************************************************************************

war dagdag-ah oo kasoo kordhay Dilkii Foosha Xumaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Warar ka soo baxaya Gaalkacyo Medical Centre ayaa sheegaya in labaddi qof ee dhaawaca ahaa ee u dhashay Pakistan ku dhinteen Cusbitaalka taasi oo tiradda Tabliiqa Saaka lagu dilay Gaalkacyo ka dhigaysa 7 Tabliiqa waxaana dhaawac ah nin kale oo somali ah.
 
Xukuumadda Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray Dilka saaka loo gaystay nimanka Pakistaniyiinta ah waxaana warsaxaafadeedkani lagu sheegay in Puntland cambaaraysanayso  Dilka foosha xun ee loo gaystay Wadaada waxaana sidoo kale warsaxaafadeedka lagu sheegay in dilkani ay gaysteen Dad ka soo jeeda Koonfurta Somalia oo khalkhal gelinaya Amaanka Puntland waa sida lagu qoray Warsaxaafadeedkani.

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com