shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wadahadal Gaalkacyo uga bilaabmay Dawladda Federaalka KMG ah ee Somalia iyo Puntland.

(Gaalkacyo,  August 19,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo uu magaaladda Gaalkacyo ee Puntland soo gaaray Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Ra'iisulwasaare Cumar C/rashid cali sharmaarke ayaa waxaa ay wadahadal la leeyihiin Masuuliyinta sarsare Puntland sida Madaxweyne Farole,Gen:Abdisamad iyo Xubno ka tirsan golaha wasiiradda waxaana wadahadalkaani si rasmi ah loo shaaciyay habeenimadi xalay ahayd markii la sameeyay Guddi isku dhaf ah oo labadda dhinac ka kooban(Puntland iyo DFKMG ah) waxaana Gudigaasi loo qaybiyay saddex qaybood oo ah1-Guddiga Siyaasadda waxaana madax u ah Madaxweyne faroole iyo Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid sido kale waxaa la sameeyay laba Guddi oo kale oo loogu magacdaray,Guddiga Taakulaynta iyo Arrimaha bulshadda iyo Dhaqaalaha waxaana Guddiyadaasi si wadajir ah u soo saari doonaan Go'aamada la isku waafaqay.

Wadaxaajoodka Labadda dhinac uga bilaabmay magaaladda Gaalkacyo ayaa ah wadahadal la doonayo in la isugu so dhaweeyo Dawladda Puntland iyo DFKMG ah ee somalia maadaama loo arko in Puntland udub dhexaad u tahay Dawlad kasta oo somalia laga yagleelo iyadoo dadka siyaasadda indhaindheya Tibaaxayen in aanu wanaagsanayn xiriirka labadda dhinac tan iyo intii la yagleelay Dawladi lagu dhisay jabuuti ee uu majaraha u hayo Madaxweyne Sharif sheikh axmed.

Wadahadalka Labadda dhinac ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin,Iskaashiga Awooda military oo labadda dhinac dhexmara maadaama Dawladda somalia ku jirto xaalad degdega oo dagaalo iyo weeraro isdabajoog ah ku hayaan xoogaga mucaaradka taasi oo saameyn ku yeelankarta Puntland waxaana sidoo kale looga hadlayaa kulanka labadda dhinac uga socda Magaaladda Gaalkacyo,Deeqaha waxbarasho iyo taakuladda caalamiga ah e Dawladda Federaalku ka soo hesho wadamadda shisheeye sidii loo qaybsanyahaa iyo in Puntland qayb ku yeelato wafdikasta oo u ambabaxaya Wadamadda shisheeye taasi oo haday dhaqangasho daaweynkarta xurgufta Labadda dhinac iyadoo sidoo kale qodobadasi ay qayb ka tahay sidii Dawladda Somalia baaq ugu jeedinlahayd dadka somalida ah ee ka soo cararaya Dagaaladda ka socda Koonfurta Somalia.

Isku soo wadda duubo dhamaystirka hawsha ayaa muuqda mid dardar weyn ku socda iyadoo wafdiga Ra'iisulwasaare ka koobnayen shan markii uu soo degayay ayaa waxaa ku soo darsamey labba wasiir oo kala wasiirka Waxbarashadda C/laahi waayeel iyo Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare Pro:Ibraahim xasan caddow kuwaasi oo looga maarmi waayay wadahadalka labadda dhinac oo ay dhexmarayso dood aad u dheer waxaana la filayaa in Maalmaha soo socda warmurtiyeed labadda dhinac soo wadda saaraan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com