shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Africa oo shir uga furmayo Liibiya.

           (Tripoli,  August 29,  2009 Ceegaag Online) 

Wasiiradda Arrimaha dibadda wadamadda ku yaalla Qaaradda Africa ayaa la filayaa inay shir isugu yimaadan Maalinimadda Berrito ah wadanka Liibiya waxaana kulanka wasiiradda arrimaha Dibadda lagu macneeyay Kulan gogol xaar ah waxaana wasiiradda Amuuradda Dibadda ee dalalka africa kulankoodan lagu Diyaarinayaa Ajandayaal waaweyn oo ah kuwo ay hordhigayaan Madaxweynayaasha wadamada Africa oo kulmaya dabayaaqadda bishan.

Shirka wasiiradda arrimaha Dibadda ee Qaaradda africa ee ka dhacay Magaaladda Tripoli ee Wadanka Liibiya ayaa la shaaciyay in ajandayaasha lagu diyaarinayo ay yihiin kuwo loogu talagalay in la hordhigo Madaxweynayaasha oo iyagu shirkan markii u dhoco ka dib imanaya Tripoli si uu ugu furmo shirkooda guud oo isagu dhacaya 1-Sep-2009 wakhtigaasi oo ku beegan 40 sano guuradi ka soo wareegtay xoriyadda dalka Liibiya iyadoo Marka la eego ajandayaasha hordhaca ah ee shirka ay meel sare kaga jirto xaaladaha murugsan ee Ka taagan Somalia ,arrimaha Daarfuur iyo Kongo.

Sida uu saxafadda u sheegay safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Liibiya kulankaan ayaa waxaa dawladda federaalka Soomalaiya uga qeyb galaya wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo R/wasaaraha Soomaliya Dr Cumar C/Rashiid Cali Sharma‘arke kaas oo halkaasi la tagaayo barnaamijka ay ku socoto xukuumadiisa isagoo xiligaana hordhigi doona kulanka Madaxweynayaasha oo xiiso gaara wata marka la eego arrimaha Siyaasadda.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com