shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Booqday Jaamacadda Admas ee Magaaladda Hargeysa. 

(Hargeysa,  August 25,  2009 Ceegaag Online)

Wasiiru dawlaha arrimaha dibeda ee Itoobiya Mr Tekeda Alemu oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Hargeysa ayaa shalay booqday jaamacada Admaas University oo ku taala magaalada Hargeysa qaybo badan oo kalena ay ku yaalaan wadanka Itoobiya.

Wasiirka oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen qaar ka mid ah wasiirada somaliland waxa ay dhamaan soo eegeen qaybaha ay ka kooban tahay Jaamacadu halkaasi oo ay warbixino kaga dhagaysteen qaar ka mid ah maamulka Jaamacada Admaas waxa kale oo iyana su`aalo dhanka waxbarashada ku saabsan waydiiyay qaar ka mid ah ardayda Jaamacada oo waqtigaasi ku guda jiray casharadoodii caadiga ahaa.

Wasiiru dawlaha ayaa ardayda uga sheekeeyay muhiimada ay leedahay waxbarashadu iyo sida loogu baahan yahay in ay tahay lagama maarmaan waxana uu ardayda ku booriyay in ay halkaasi ka sii wadaan dedaalkooda dhanka aqoonta ah.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibeda ee Itoobiya Dr Tekeda Allemu ayaa sidoo kale waxa uu kulan kula yeeshay xafiiska Jaamacada maamulka Jaamacada Admaas kuwaasi oo iyana uga sheekeeyay qaabka ay jamaacadu howlaheeda u wadato, iyo waliba qorshayaasha waxbarasho ee mustaqbalka. waxana ay sheegeen in waqtigan jaamacadu marayso meeshii ugu fiicnayd ee dhanka waxbarashada.

Kulankaasi iyo kormeerkaasi uu wasiiru dawlaha arrimaha dibeda ee Itoobiya ku tegay xarunta Jaamacada Admaas University ee magaalada Hargeysa waxa goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibeda ee Somaliland Md C/laahi Maxamed Ducaale.
 
Sawiradda Waxaa na soo gaarsiiyay Maamulka Jaamacadda Magaaladda Hargeysa.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com