shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Heerka waxbarashada Gabdhaha Somalida-Maqaal

(Somalia,  August 18,  2009 Ceegaag Online)

Waxbarashadu waa furaha Nolosha waxaana Aqoon la'aantu tahay Iftiin la'aan Waxbarashadda waxaa u siman Wiilasha iyo Gabdhaha balse xuquuq ayaa jirta ilaahay subxaanahu watacaala kala siyay wiilasha iyo Gabdhaha xaga Jinsiga iyo xaga Aadaabta marka aan eegno waxbarashadda Gabdhaha Somalia aad bay ugu liidata iyadoo warbixintana aan ku so bandhigayo Cilmibaaris aan muddo waday taasi oo aan ugu magacdaray "Heerka waxbarashadda Gabdhaha Somalida" iyadoo Cilmibaaristani aan ka sameeyay Gobolo kala duwan oo Somalia ka mida Balse inbadan ayaa muuqata oo ah daldaloolo ay leedaha Waxbarashadda Gabdhaha iyadoo masuuliyada arintaasi ay dhabarka u riteen Waalidiinta Dhalay.
 
Waalidka Gabdhaha Soomalidu waxay aaminsanyihiin inaanay Haboonayn in Gabadhodu ay waxbarato oo rag la tartanto balse kaliya ay ahmiyad(Priority) siyaaan wiilasha hadaba si aan sababaha u ogaado ayaa waxaan helay Qodobadani.

1-Waalidiin badan waxay ku hamiyaan inay Gabadhooda geel iyo lo'o ka qaataan si ay hanti u helaan.

2-Waalidiin badan ma fahamsana(Misunderstand) Faa'idada waxbarashadu u leedahay Gabdhahooda taasina waxay asal u tahay Caado laga soo gudbay oo Somalidu horay u taqaanay taasi oo ahayd(NINKII GABADHIISA ISKOOL GEEYOW AMUUR BAA DHACDEE OGSOONOW) taasina waa mushkilad aqoon daro oo raad ku yeelan karta Cawaaqibka ubadka Gabadhoodu dhasho.

3-Waalidiin badan baa tixraac la leh inaanay Gabadhoodu meelna gaarayn haddi ay waxbarato taasina ay tahay Dhibaato dhaqaale oo reerka ku timid iyagoo ka fekerayaa lacagta Iskoolka ay ka bixinayaan (Fee Payment) Hamigaas oo walidiin badan caado u ah.

Saddexdaasi qodob ee an xusay waa mid Gooni u ah waalidiinta oo aan Gabdhohooda waxbarin balse ka fekera Eray jumladeedyada aan so xusnay waxaase sidoo kale Dhaliil buuxda yeelan kara Gabdhaha yaryar ee hadda soo kacaya kuwaasi oo iyagu Niyad jab ku dhacay(Dismoral) taasi oo la xiriirta Hanka ay qabeen iyo hanka walidiintooda qabaan taasi o sal u ah Hooyadda dhashay ubadka taasina waxay kaliftaa in Gabdho badan buugta turaan oo Haasaawe u baxaan balse mushkilad ayaa jirta markii Gabadhu gaarto heer waxbarasho oo sare ayaa waxay ka tagtaa waxbarashadda waxayna ka soo gudubtay Heerarka hoose sida (Primary,Intermediate Education) taasina Sabab ayay leedahay (Gabadha oo waxbarashadda Gabagebaynaysa ayaa Fikrad dhalinyaronimo qaada tasi oo keenta inay Gabadhu waxbarashadi uga weecato Guur).

Isbarbardhiga Dunida kale iyo Somalia waa mid farqiweyn u dhexeeyo marka la eego xuquuqda Gabdhaha xaga Waxbarashadda waxaana aan ka qaybgalay Barnaamij lagu taageerayo Waxbarashadda Gabdhaha oo ka dhacay Magaaladda Garowe iyadoo Barnaamijkaasi ay daadihinaysay Ha'adda SAVE CHILDREN oo ah ha'ad caalami ah oo ka hawlgasha deegaanadda puntland sida idiinka muuqata Boorka waa mid lagu taageerayo Waxbarashadda Gabdhaha iyadoo Barnaamijkaasi lagu qabtay Dugsi waxbarasho oo ku yaala Gobolka Nugaal ee Somalia taasina waxay muujinkartaa dadaalka loogu jiro in la nooleeyo waxbarashadda Gabdhaha oo awal la dafiray.

                    

Dugsiga Aflax waa dugsi wax lagu barto oo ku yaala Magaalada Qardho ee W/bari Somalia waxaana wax ka barta arday Gabdho ah oo gaaraya 400 oo arday si aan xog uga ogaado waxbarashadda Gabdhaha ee Dugsiga ayaa waxaan waraystay Maamulaha Iskoolka Aflax oo lagu magacaabo Maryan Faarax Gaacashe ugu horayntii waxay iiga waramaysaa Doorka ay ka qaataan Waxbarashadda Gabdhaha"Runtii sida muuqata Aniga ayaa qof dumar a ah aniga waligay waxaan xooga saari jiray sidi aan ula tartami lahaa Asaagay wiilal iyo Gabdho balse waan gaaray Hadafkaygii maanta Gabdho ayaan waxbarnaa Cadadkaas le'eg waa mahad ilaahay Niyad sami ayaan wadajir ugu haynaa dhamaystirka Hawsheena waxbarasho waana wadaynaa ilaa aan yool ka gaarno".

Hooyo maryan oo ah Maamulaha Dugsiga ayaa ka waramaysa Farqiga waxbarasho ee Gabdhaha maanta iyo Tii hore(Walaahi waxaan aaminsanahay in Farqi wayn u dhexeeyo Waagi hore aad bay u liidatay waxbarashada Gabdhaha Lodkayagi hadaad ogaan lahayden waad yaabaysaan bal waxaan xiranjirnay Surwaal iyo shaati oo wiilal dhexfariisan jirnay taasi waa qodob maantana gooni baa wax loo baranayaa waana asturanyihiin mida kale gap awal jiray ayaa hadda buuxsamay oo Waalidiin badan baa fahmay Faa'iidada waxbarashadda".

Isku soo wadda duubo Barnaamijkani aan kaga hadlayo Waxbarashada Gabdha waa barnaamij aan ku eegayay Muhiimada waxbarashadu u leedahay Gabdhaha iyo cilmibaaris ana sameeyay iyadoo marka la eego waxbarashada Gabdhuhu tahay mid muhiim ah maadaaa gabadhi waxbarataa ay hadhaw anfici doonto ubadka ay dhashay taasi qeyb wayn ka qaadata Helitaanka Qoys buuxa.

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com