shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xasan Daahir aways "waa waxba kama jiraan in dhexdhexaadin laga dhexwado anaga iyo DKMG ah".

(Muqdisho,  August 23,  2009 Ceegaag Online)

Sheikh xasan daahir aways oo ah hogaamiye Diimeed qeyb ka ah dagaaladda iyo colaada ka jirta Koonfurta Somalia ahna Gudomiyaha Ururka Xizbul Islaam oo ah urur ka soo horjeeda Dawlada uu majaraha u hayo Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa maanta shir jaraa'id saxaafadda ugu qabtay Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho isagoo ka hadlay warar dhawaantan soo ifbaxayay oo sheegaya in Wadaxaajood laga dhexwado ururka uu hogaamiyo ee Hizbul Islaam iyo Dawladda KMG ah ee somalia.

Sheikh  Xasan waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday warar Dhawaanaha soo ifbaxayay oo sheegaya  inay jiraan dhex-dhexaadin isu soo dhaweyn ah oo laga dhex wado DKMG ah & Xizbul Islaam taas oo uu wado Madaxweynihii Dowladii Carta, Dr C/qaasim Salaad Xasan isagoo sheegay inaanay jirin  wax wada hadal ah oo xilligan iyaga iyo Dowlada u socda ,  hadalada Saxaafada qaar baahiseyna ay yihiin kuwo been ah oo ay wadaan dad uu ku tilmaamey Cadow, sida uu hadalka u dhigey.

Hogaamiye Diimeedka Xasan daahir aways ayaa yiri "Waad garaneysaan waagii hore waxaa la dhihi jirey labo qolo weeyaan, qolo Shariifku hogaamiyo oo Qunyar socod iyo qofo Xasan Daahir hogaamiyo oo Xag-jir ah, sidaas ayaa la dhihi jirey, saasaa qoladii sidii loogu xod xodanaaney xagaasaa la mariyay, hadeerna xod-xodasho kale ayaa jirtoo oo ah Qolada Xizbul Islaamna waa kuwo Qunyar socod ah kuwa Shabaabkuna waa kuwo Xag-jir ah, kiiskaas ayaa la rabaa mar labaad in dadka la kala jabiyo”.

Xasan Daahir aways ayaa sidoo kale sheegay inay wadayaan dagaalka inta lagu jiro Bisha barakaysan ee Ramadan waxaana uu hoosta ka xariiqay in Bishani Guul ay gaarayaan mucaaradka Islaamiyinta ah waa sida uu hadalka u dhigaye isagoo sidoo kale sheegay in Ciidamada AMISOM  yihiin Xilligan Cadowga ugu horeeya ee Umada dul saarey loona baahan yahey is la iska dul qaado.

Ugu dambayntii Xasan Daahir aways ayaa ka hadlay xalka ugu dambeeya ee laga gaari karo Somalia"Ayadoo wadanka Cadow joogo wax dhisid iyo wax heshiisiin midna ma dhici karto, cadowgaagu waxa uu u sameyn san yahey kalagee oo xukun, marka meel cadow joogo maba suura gal ah Umad inay ku midowdo, inay Musaalaxa ka dhacdana suur gal  maaha, in wax laga dhisana suura gal maaha, marka waa inuu cadowgu ka baxo, Midda labaad ee lagama maar maarna ah, Umada Dadkii Ahlu Cilmiga ah, Cilmi Diineed iyo mid duunyaba dadkii Khiyaarta ah inay isu yimaadaan oo markaas ay dhisaan dariiqii Umadu qaadi laheyd oo lagu heshiis yahey, tan Saddexaad waxa weeyaan in markaas ka dib in la qabto Shir Umada lagu heshiisiinayo oo waliba gudaha lagu qabto”.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com