shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland oo warsaxafadeed ka soo saaray Qabsoomida Doorashadda Somaliland.

(Hargeysa,  August 15,  2009 Ceegaag Online)

Warsaxafadeedkani ay soo saareen Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland ayaa waxaa ku saxiixnaa Labadda Gudoomiye ee Kulmiye & Ucid Axmed siilaanyo& Faisal Cali waraabe ayaa waxaana lagu sheegay in labadda xisbi si wadajir ah isaga Kaashadaan uguna hawlgalaan sidii Somaliland ay uga dhici lahayd Doorasho xor ah taasi oo xisbiyadda saddexda ah ee kajira Maamulka Somaliland si siman ugu tartami lahaayen wakhtigi loo qoondeeyay Qabsoomida Doorashadda Somaliland iyadoo warsaxafadeednkani maanta ay hargeysa ka soo saareen Xizbiyada Mucaaradku ku sheegen inay samaysteen Guddi gaara oo isugu jira Kulmiye & Ucid gudigani oo bay sheegeen loogu magacdaray (Guddiga Istiraatiijiyadda iyo Hogaaminta ee Isbahaysiga Kulmiye iyo Ucid) iyadoo ay gudoominayaan Labadda Hogaamiye ee Xisbiyadda.
 
Guddigani ay maanta Magaaladda Hargeysa ku magacaabeen Xisbiyadda Mucaaridka maamulka Somaliland ayaa waxay ka koobanyihiin 14 xubnood oo min 7 xubnood ka ah labadda xisbi waxaana warsaxafadedkani Labadda xisbi ku cadeeyen inaanay Aqbalaynin Muddo kordhin kale oo loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne riyaale oo hadda labba jeer xilka loo kordhiyay taasi oo buuq badan ka dhalisay Siyaasadda Somaliland.
 
Warsaxafadeedka Xisbiyadda ayaa lagu sheegay in ay tahay inay dhacdo Doorashadu wakhtigii loo asteeyay oo ah 27-Sep-2009 iyadoo Mucaaridku sheegay in mabaadi'doodu tahay in wadahadal iyo wada tashi lagu xaliyo khilaaf kasta oo yimaada Balse tan maanta ayay sheegen in lagu xalin karo wadahadalna ku furmi karo markii Madaxweyne riyaale iyo xukuumadiisu ku soo laabtaan xayndaabki sharciyadeed oo ay ku xadgudbeen waa sida ay hadalka u dhigeene Gabagabadi labadda xisbi mucaarid ayaa baaqooda ku sheegay in labadda xisbi ay doonayaan inay qabtaan Kulamo dadweyne walaw aanay shaacin wakhtiga iyo Goobta.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com