shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sanadka 1431 Hijriyada oo manta bilowday

(Caalamka,  Dec 18,  2009 Ceegaag Online)

Sanad wacan oo wanaagsan Dhagaystayaal, Akhristayaal iyo Daawadayaalba waxaan idin leenahay Sanad wacan oo wanaagsan,

Waxaa manta bishu tahay Kowdii Muxaram ee 1431ka Taariikhda Hijriyada, taariikhdan oo bilaabantay markii Rasuulkeenu (NNK) uu ka haajiray magaalada Maka una Haajiray Madiina si loo yagleelo umada Islaamka oo haatan marasa meeshii ugu hoosaysay ee taariikhdeeda.

Dadka Islaamka ayaa waxay ku jiraan wakhti aad cidhiidhi u ah oo dhinacwalba laga weerarayo mig gudaha ah iyo mid dibada  ahba.

Umada Islaamka ayaa waxa ay ku jiraan Tiih ba’an tasoo ay ugu wacantahay iyaga oo ka digo rogtay aasaaska diintooda.

Waxaan ilaahay  ka baryanaa inuu noonaxariisto oo uu nagaransiiyo meesha laynaga soo galay siiba qowmiyad Soomaali ahaan.

Midnimo iyo bash bash iyo barwaaqo ayaan idiin rajeenanaa guud ahaan dadka Islaamka ah gaar ahaan Soomaaliwayn.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com