shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kow iyo labaatanka sano ma qadar u qoran Soomaalida baa?!!!!

(Soomaaliya,  Dec 12,  2009 Ceegaag Online)  

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

Intaas ka dib:

Cambaarayn: waxaan qoraalkan bilowgiisa uga faa’iidaysanayaa in aan ku cambaarayo arxanlaawayaashii mujrimiinta ahaa, ee ka dambayay qaraxii ismiidaaminta ahaa, ee ka dhacay Hotel Shaamow, ee lagu gumaaday doorkii ummada ee birimagaydada ahaa, ee ahaa wasiiradii aqoonyahaniinta ahaa, dhakhaatiirtii naftooda hurayaasha ahaa, indheergaradkii, ubixii rajada iyo waalidiintoodii, runtii waxay u ahayd maalin murugo  leh ummada Soomaaliyeed intooda leh

Damiirka nool ee caafimaadka qaba, ee Allaah ka cabsiga iyo Islaamka toosani ku dambayay, dhab ahaantii maanta waxa ina soo food saartay musiib tii ugu waynayd, oo aan ina soo marin mudadii dheerayd ee aynu burburkan ku soo jiray, in maanta cabsida iyo khatartu wada saamaysay dhamaan bulshada qaybaheed kala duwan, ayna cadaatay in aan cidina ka badbaadi doonin, hadii aynu sii eegano qumbuladahan bini Aadamka ah ee aan cidna looga aaba yeelayn,

 Waxaynu dhamaan noqonaynaa oo u qaybsamaynaa kuwa iyaga loo adeegsado qunbulad ahaan, iyadoo lagu marin habaabinaayo janaada ayaad ku gelaysaan falkaa foosha xun ee mujrimnimada ah, gaar ahaan dhalinta yaryar iyadoo lagaga faa’iidaysanaayo xamaasadooda dhalinyaranimo, caqligooda oo aan weli bisaylka gaadhin iyo diin jacaylka. Iyo kuwa lagu gumaado qunbuladahaaa la soo cabayay ee bini Aadamka ah, markaa waxaa aan shaki ku jirin hadayno sidaa ku sii eegano, in ay ka daran yihiin kana wayn yihiin waxyaabaha soo socda, jiritaankeenuna

 Uu halis ku jiro, hadaynaan arintan uga hortegin si isku duubni ah inta aynu khilaafkeena meel iska dhigno. Waxaan tacsi ka gaadhsiinayaa falkaa foosha xun ee bahalnimada ah, ummada Soomaaliyeed inta damiirka nool ee caafimaadka qaba leh, si gaar ah ahalkii, qaraabadii, asxaabtii iyo ardaydii birimagaydadii halkaa lagu xasuuqay, Allaah sabir iyo iimaan ha inaga siiyo iyagana raxmad waasac ah, inagu Allaah xagiisa ayaan ka ahaanay, xagiisa ayaana laynoo celinayaa, Allaah isaga ayaa iska leh wuxuu bixiyo, Allaah ayaana iska leh wuxuu qaado.

Waxaan kale oo tacsi taas la mid ah u dirayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo qowskii iyo ahalkii iyo qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Cali Xassan Cali (Cali Barduuro) xubintii keli ahayd ee ka hadhsanayd halyayadii aasaasay urur waynihii wadaniga ahaa ee SYL, oo shalay ku geeriyooda dalka Kenya, dhamaan Allaah ha inaga siiyo sabir iyo iimaan isagana raxmada waasac ha siiyo aamiin.

Hadaan u soo laabto qoraalkan waxaad moodaa in dhacdooyin badan oo wadankeena soo maray ay mid waliba soconaysay oo ku soo afmeerantay mudo ah kow iyo labaatan sano, waana faalada uu qoraalkanu xambaarsan yahay, ka sokow taas waxaan kaga hadli doonaa oo aan tilmaamo gaaban iyo qandhuufooyin yaryar ku dul mari doonaa arimo  dhowr ah, oo la xidhiidha dhacdooyin badan oo maanta wadankeena ka taagan, waa arimo dhowr ah oo mid waliba u  baahnayd runtii qoraal gaar ah, aan se anigu ka door biday in aan hal qoraal u wada adeegsado, markaa siday warbaahinta soomaalidu tidhaahdo waa qoraal dhinacyo badan taabanaaya waana sidan:

Dhacdada kowaad: waxay ahayd siday taariikhyanadu sheegaan dagaalkii uu halyaygii waynaa Iimaam Axmed Ibrahim (Axmed Guray) uu la galay Xabashida iyo huwantoodii ahayd gaalada isbahaystay, wuxuu dagaalkaasu soconaayay mudo ah kow iyo labaatan sanadood, in kasta oo ay dowladii Islaamka ee uu markaa hogaankeeda hayay ay intaa ka fac waynayd, laakiin waxaan ka hadlayaa waa intii uu soconaayay dagaalkii uu la galay boqortooyadii Xabashida iyo xulufadeedii reer

Galbeedka gaalada ah ahaa, xiligaas oo uu dhiig badani harqiyay oo uu ku daatay dhulkeena, ayna ku guulaystay dowladii Islaamku inay qabsato dhamaan dhulkii Muslimiinta oo ka safaysay cadowgii Xabashida ahaa, hase yeeshee ugu dambayntii lagu jebiyay ciidamadii dowladii Islaamka ee uu hogaaminaayay Iimaam Axmed Ibraahim (Axmed Guray), markii ay si toos ah ugu soo hiiliyeen Xabashida dowladihii reer Yurub ee gaalada ahaa, gaar ahaana dowlada Portaqiiska.

Dhacdada labaadna: ee taas xigtay ee iyana ku soo afmeerantay mudo kow iyo labaatan sanadood ah, waa tii daraawiishta, taas oo ay daraawiishtii uu hogaaminaayay halyaygii Seyid Maxamed Cabdullaah Xasan, ay la galeen dagaal hubaysan gumaystayaashii iyo dabadhilifyadoodii Soomaalida iyo ummadaha kaleba lahayd, waqtigaas oo uu dhiig badani qulqulay oo ku daatay dhulkeena, oo ah kii gumaystaha iyo dabadhilifkoodii iyo kii halgamayaashii u dagaalamaayay in

Ay ciidooda ka xorayaan gumaystaha ku soo duulay iyo weliba kii dad badan oo shacab iyo maatoba ahaa oo aan iyagu waxba galabsan, dagaalkanu wuxuu ahaa aabihii dhalay dhamaan halgamadii gobanimadoonka ee goor dambe ka bilaabmay guud ahaan qaarada Afrika iyo aduunka saddexaadba, waa kii laga bartay in gumaystaha lala dagaalami karo oo heeryadiisa layska tuuri karo, taas oo markii dambe xaqiiqo noqotay, oo ay maanta neecawdii xoriyada

kuwada naaloonayaan Afrika iyo aduunka saddexaadba, in kasta oo aanay tanu ahayn wax cadayn u baahan, ee bal tahay arin laga wada dheregsan yahay, hadana waxba u dhimayso hadaan soo qaadano hadal uu yidhi mid ka mid ah halgamayaashii Afrika iyo aduunka saddexaadba ugu caansanaa waqtigii gobanimadoonka, waana madaxwaynihii ugu horeeyay ee uu yeesho dalka Algeria (Aljazaa’ir) madaxwayne Xabiib buu Tafliiqah, wuxuuna marar laga waraystay halgankoodii

Ay gumaystaha la soo galeen yidhi: “halganka iyo fikrado badan oo la xidhiidhayba waxaanu kaga dayanay halgamayaashii Soomaaliyeed.”, waa run oo markii dambe mudadaa aadka u dheer ka dib gumaystayaashii daraawiishtii cududoodii ciidan way jebiyeen, waxana taas suura geliyay markii ay ku soo weerareen diyaarado, ciidamadii daraawiishta goobihii fariisimohooda ahaa ee ugu adadkaa sida Midhishi, Jiidali, Ceerigaabo iyo xaruntoodii Taleexba, waxaana sidaas isaga

Dhignayd qadarta Allaah ee aan marna la dhaafi karin, ee gulfkan lagu jebiyay Daraawiishtu runtii wuxuu ahaa isku daygii ugu dambayay, ee uu goostay gumaystihii in uu noqdo kii ugu dambayay, ee uu ama ku jebin lahaa Daraawiishta ama Soomaali xornimadeeda ku siin lahaa, gulfkan uu soo qaadayna maahayn mid wax badan ka duwanaa kuwii uu hore ugu soo qaadi jiray, ee ay mar walba ku jibin jireen, marka laga reebo in gulfkanu uu dheeraa kuwii ka horeeyay

Adeegsiga diyaaradaha dagaalka, taas oo ahayd markii ugu horaysay ee uu gumaystuhu u adeegsado in uu ku cabudhiyo oo ku jebiyo diyaarado gobanimadoonka ka soo horjeeda, waxayna ahayd arin argagax ku noqotay xoogagii Daraawiishta, waayo hore umay arag diyaarado cirka ka soo duqaynaaya, tanu waxay keentay in ay Daraawiishtu ka baxaan fadhiisimohoodii adadkaa, oo ay jahooyin badan u kala filqamaan oo awoodoodii wiiqanto, sidaan hada soo sheegay qadarta

Allaah uun baa sidaas u dhignayd, shaki se kuma jiro hadii ay fahamsanaan lahaayeen xaaladii diyaaradah ama xeeladaha lagu yarayn karaayo in ay khasaare badan kuu gaystaan iyo in ay arintanu tahay isku daygii ugu dambayay, arintu sidaas way ka duwanaan lahayd, waxana dhaboobi lahaa balanqaadkii gumaystaha tiisii dambe, ee ahayd in uu Soomaali xornimadooda siiyo, waayo diyaaradihii lagu soo weeraray Daraawiishta oo ay tiradoodu ahayd 22 diyaaradood,

Waxaa ka badbaaday oo dib ugu laabtay fadhiisinkoodii Cadaneed ee ay ka soo kaceen 2 diyaaradood oo keli ah, intii kale waxay noqdeen waxaan gaadhin goobihii ay Daraawiishtu fadhiday, wax lagu soo riday xabad keliyaalihii ay daraawiishtu adeegsanaysay iyo wax soo noqodkii jidka ku soo burburay, marka waxa halkaas ka cad in aanu jireen guluf dambe oo ay gaaladu soo qaadaa, laakiin qadarta Allaah tacaalaa baa sidaas u xukumnayd.

Waxaa xusid mudan in qaarkiin odhanayaan sidee xabad keliyaale diyaarad loogu soo riday?!!! Waxayna tahay diyaaradihii waqtigaasu ma ay ahayn kuwa joog sare ku duula oo dheeraya sida kuwa maanta, ee joog hoose ayay ku duuli jireen wayna gaabin jireen, taas baana sababtay oo suura gelisay in lala helo xabadii ka dhacaysay qorigii xabad keliyaalaha ahaa ee daraawiishta. Sheeko xiisa leh oo ku saabsan qoriga xabad keliyaalaha ah baa waxay tahay, in dagaalkii Khaliijka ee

Dambe, ee gaaladii huwanta ahayd ay Ciraaq ku qabsadeen, ayaa maalmihii uu dagaalku bilaabmay, ayaa diyaarad ciidanka Mareekanku leeyahay, oo ah kuwa qumaatiga u kacaa ay soo dulmartay koox beeralay ah koonfurta Ciraaq, nin ka mid ah kooxda beeralayda ayaa wuxuu haystay qori xabadkeliyaale ah oo duug ah, oo sida uu sheegay ninkaasu oo la odhan jiray Cali Khamaash, laga dhaxlay awoowgiisii labaad, isna waqtigaa wuxuu ahaa nin todobaatankii kor u

Dhaafay, markaa khamaash diyaaradii cadowga xabad ayuu ku riday, wuuna la helay oo diyaaradii way soo dhacday, waxayna halkaa ku qabsadeen duuliyihii iyo gargaarihiisii, si farxad leh bayna ugu gacan geliyeen ciidamadii Ciraaq abaal gudna way ku heleen, laakiin taasu waxay keentay inuuba is mahadiyo odaygii Khamaash ahaa oo ka badbadiyo!! Waa marka uu maqlay in diyaarad la yidhaahdo B52 oo wax gumaada ay magaalooyinkii Ciraaq garaacayso, oo dunidii

 Baabisay, markaas ayuu wuxuu wacad ku maray in uu B52 u soo rido sidii uu walaasheedba u soo riday!!!! Hase yeeshee taasu ma dhicin oo dagaalkii baa si kediso ah oo aan la filayn u soo afjarmay!!. Aan qoraalka dib ugu noqonee, Daraawiishtii gumaystuhu wuu jebiyay ciidan ahaan, laakiin kuma guulaysan in uu u jebiyo fikir ahaan, oo waxaa dabadood iska soo daba baxay dhaqdhaqaayo iyo shakhsiyaad fikirkoodii xambaarsanaa sida Shiikh Bashiir, Faarax

 Oomaar, Shiikh Xassan Barsame, Xaawa Taako, Ururkii SYL iwm ilaa aynu ugu dambayntii ku hananay gobanimo, bal fikirkoodii wuxuu saamayay Afrika iyo Aduunka saddexaad oo dhan ilaa ay dhamaan ka wada xoroobeen heeryadii gumaysiga reer galbeedka gaalada ah.

Dhacdada saddexaadna: ee iyana qaadatay mudada ah 21 sanadood waa xukumkii dowladii kacaankii 21october ee uu hogaaminaayay madaxwayne Maxamed Siyaad Bare, kaas oo wadanka gaadhsiiyay horumar balaadhan oo dhinac kasta ah, Soomaalina ka dhigay ummad iyo dowlad casri ah oo meel fiican kaga jirta Khariidad aduunka, hase yeeshee in kasta oo uu kacaankii 21october dalka iyo dadkaba gaadhsiiyay horumar baaxad leh, hadana kama madhnayn guul

 Darooyin baaxad leh oo la soo deristay, ayna ugu waynayd guul daradii ka soo gaadhay isku daygii xoraynta dhulka maqan ee Soomaali galbeed, taas oo loo aanaynaayo inay  horseeday  burburkii kacaanka, dagaaladii sokeeye iyo burburkii baaxada lahaa ee ka dambayay ee dalka oo dhan ku habsaday, oo aynu ilaa maantadaa ku sugnahay.

Dhacdada afaraadna: waa tan aynu manta ku jiro, ee iyana hada fooda la gashay 21kii sanadood, oo aad moodo iyana inay ku ekaanayso 21ka sanadood, ayna ka soo doogi doonaan, dee waa hadii ay wax inaga reebaan xasuuqa AMISOM iyo kuwa ismiidaaminayaa ay wadaan ee!!! Waa xiligan la magaca baxay “cad yohow ama ku cunay ama ku ciidayay”! waa xili aanay Soomaaliyi waxba isu ogolayn, waa xili ay Soomaaliyi is wada nacday oo ay isu soo wada urayso, waa xili xumaantii u

 Noqotay Soomaalida wanaag, wanaagiina uu u noqday xumaan, waa xili uu baadilkii ula ekaaday xaqq, xaqqiina ula ekaaday baadil, waa xili ay ka dhigteen cadawgoodii saaxiib iyo walaal, walaalahood iyo sokeeyihiina ka dhigteen cadaw iyo shisheeye, waa xili ay Soomaalidu ku kala tagtay oo ku kala qaybsameen diintii suubanayd, koox walibana u fasirtay Quraanka kariimka ah iyo Xadiithyada Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam sida ay hawadooda iyo

Rabitaankoodu doono, lana baal maray jidkii toosnaa ee xaqqa iyo saxda ahaa, waa xili Soomaalidu dhamaan mabda’yadii toosnaa ee ay aaminsanaayeen ay daaqada ka tuureen, wixii xumaan ee la necbaa ee laga dhiidhiyi jiray la soo dhowaystay oo lagu kacay layskuna amaanay ku kicistiisa, waa xili daba dhilifkii iyo qabiilaystihii loo arkay in ay wadaniyiin yihiin, laguna amaano oo lagu taageero xumaan oo dhan, wadanigii lahaa damiirka nool, aragtida fiyowna

Iyo qiirada wadaninimona loo arkay khaayin qas wade ah ama waxmagarad, waa xili ay soo baxeen dagaal oogayaal daalimiin ah oo damiir laawayaal ah, oo ay ka dhigeen ummadii wax ay isku gumaadaan iyo wax ay iyagu gumaadeen, waa xili dhaqaalihii wadanku ku dhacay gacanta tijaar dhiig miirto ah, oo la bahoobay dagaal oogayaasha iyo kooxo dana gaar ah leh, waa xili dhibaatadiisu wada saamaysay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, oo ay noqdeen wax la

Gumaaday, wax la barakiciyay oo ku tabaalaysan xeryo aanay daryeel la taaban karo ku helin wadanka gudihiisa, wax bada ku le’day, wax xeryo ku yaal wadamad deriska ah ku darxumaysan, iyo wax ku kala filqamay oo u haajiray aduunka dacaladiisa, waa xili dadnimadii iyo akhlaaqdii wanaagsanayd oo dhami ay ka luntay Soomaalida, waa xili dadkii bahaloobay oo hilmaamay abaal oo dhan, qofkuna gownaayo gacanta is tidhaahda quudi, haa walaahi waa xili uu qofku

Gownaayo gacanta u samafasha, tan waxay I xusuusisay qoraal bishii November ee ina dhaaftay dabayaaqadeedii ku soo baxay wargayska Jamhuuriya ee ka soo baxa magaalada Hargaysa, kaas oo muujinaaya heerka dulinimada ah ee maanta Soomaalida qaarkeed gaadheen, kaas oo ay ka soo xigteen xoghayaha arrimaha dibeda ee xisbiga xagjirka ah ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo uu cinwaankiisu ahaa “Maraykanka oo u Ololaynaya Madaxbannaanida Koonfurta Suudaan iyo Faa’iidada ugu Jirta Somaliland

taas oo uu ku sheegaayo ninkaas xagjirka ah, ee ay madax martay waxa ay ugu yeedhaan gooni isu taagu, isaga oo ku hadlaaya afka xisbigiisa xagjirka ah, in ay ku faraxsan yihiin oo soo dhowaynayaan faa’iida waynina ay ugu jirto Somaliland, sida uu sheegay Maraykanka oo u ololaynaaya siduu u kala qaybin lahaa Sudaan ayna ka rajaynayaan isaga oo ku xodxodanaaya Maraykanka, in uu iyagana xagooda soo eego oo dabacsanaan ka muujiyo qadiyadooda!!!!!!

Hadaba in kasta oo masuuliyiinta maamulkaas Somaliland mucaarid iyo muxaafid toona aan afkoodaba wax wanaagsani ka soo bixin, oo aynu horeba ugu haynay hadala kaa kasii qadhqadhaad, sida inay yidhaahdaan: “ mar kasta oo ay sii kordho dhibaatada koonfurta Soomaaliya ka taagani, inaga waxa inoogu jira faa’iido iyo ictiraafkii oo inoo soo dhowaada” iyo “Ethiopianka ayaa iga xiga Soomaalida” iwm, bal se hadaynu hada eegno ninkaa xagjirka ah ee  

aynu hadalkiisa hada hayno iyo inta la xisbiga ah, ee ay madax martay arinta gooni isutaaga, ee Shaydaanku ku ibtilayay, miyaanay hilmaamin dadnimadii, damiirkii walaaltinimada Muslimiinta, qoomiyadii Carabeed iyo Afrikaanimo, dersnimadii iyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee walaaltinimo ee inaga dhexayay Suudaan, dhab ahaantii hadalkan waxaa ka yakh yakhasooday qof kasta oo Soomaali ah, oo uu ku jira damiir nool oo caafimad qabaa,

Waxaana ah wax aad looga xumaado in uu afkiisa ka soo baxo hadalkan oo kale oo uu yahay fikirka uu xambaarsan yahay, nin ku andacoonaya in uu yahay aqoon yahan iyo masuul Soomaaliyeed, walaalayaal miyaanu ahayn ninkanu mid gownaaya gacantii keli ahayd ee isu soo taagtay in ay u fidiso gargaar lagama maarmaan ah shacabka, ay isaga iyo kuwa la midka ahi ay cidlada ku go’doomiyeen iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed? Muxuu kaga duwan yahay

Kuwii shalay doorkii ummada ku gumaaday Hotel Shaamow?!!!! Maaha oo keli ah in ninkan iyo inta la fikirka ahi ay ku faraxsan oo la doonayaan dhibaato, musiibo iyo burbur ay la tahay in ay iyagu ka faa’iidaysanayaan dal muslim ah, oo ay inaga dhexayso caqiidada iyo walaaltinimada Islaamku, wada dhalashada Carabeed iyo Afrikaanimada iyo derisnimaduba iyo xidhiidh dheer oo walaaltinimo oo aynu inagu mar walba ahayn kuwa ka faa’iidaysta ee, iyada oo ay Suudaan ahayd

 Halkii ay ka soo aasaasantay waxbarashadeena iyo aqoonta aynu maanta ku naaloonayno gaar ahaan gobolada wooqooyi, bal Suudaan maantana waa dalka keli ah ee ilaa maalintii burburku inagu habsaday aynu gacanteena ku kasbanay, isu keen garab taagay si daacadnimo iyo walaaltinimo ahaan ah, oo aan marnaba ka daalin oo ka niyad jabin gefefkeena aan caqliga ku salaysnayn iyo xal u helida qadiyadeena aan la garan Karin, sida ay yeeleen kuwa kale oo qayrkood ahi, iyaga oo

Weliba mar walba iska ilaalinaayay in ay u kala hiiliyaan ama arimahood hoose ay galaan walaalahooda shaydaanku isku ibtilayay, taas oo si wayn uga duwan tay inagula dhaqanto Jabuutida aynu nidhaahno waxaanu isku nahay Soomaali, waxay si gaar ah inooga taageeraan, taariikh ahaana inooga taageeri jireen, taynu ugu baahida badanahay ee lagama maarmaanka ah, taas oo ah in ay ubadkeena aynu mustaqbalkoodii luminay ay wax inoo baraan, ka sokow tobanaanka

Dugsi ee ay wadankeena goboladiisa kala duwan ka fureen, waxay deeq waxbarasho oo aan xuduud lahayn ka siiyaan Jaamacadahooda ubadkeena aynu inagu luminay mustaqbalkooda, waxaa taas sii dheer in ay iyagu siiyaan aqoonsiga shahaadadaha laga qaato dugsiyadeena ee aan meelna laga aqoonsanayn, si ay ubadkeenu ugaga heli karaan waxbarasho Jaamacadaha aduunka intiisa kale, marka saaxiibkeenakanu wuxuu abaal gud uga dhigay wadanka sidaas isu keen garab

Taagay, in uu u rajayo oo la doono dhib iyo musiibo iyo in la kala qaybiyo, si uu ugu helo faa’iidada dhalanteedka ah ee uu ku andacoonaayo in uu ku helaayo, markaas miyaanu ahayn mid gownaaya gacantii loo soo fidiyay ee quudinaysay?!!!!! Waxaan se xusuusinayaa ninkaas caqligu ka lumay ee ay xaqqa iyo wanaaga ka indha tirtay fikirkan shaydaan ee lagu ibtilayay ee ma dhalayska ah iyo kuwa la midka ah iyo taageerayaashoodaba, in aanay Soomaaliya marnaba arinteedu la mid ahayn tan

Suudaan oo aan lagu qiimayn Karin haba yaraatee, Kosoofona aanay la mid ahayn amaba Taiwan siday qaarkood dadkaas caqligu ka lumay Allaah ha inaga hayee ku andacoodaan!!!! Ayna la gudboontahay intay ri’yada, dhalanteedka iyo xumaanta shaydaanku u qurxiyay isaga hadhaan, oo ay ummadooda ay isu baahan yihiin isa soo garab taagaan, oo aynu dhamaanteena gacmaha is wada qabsano, oo ka hor tagno shirqoolka cadawgu inoo maleegay ee ay doonayaan in ay inagaga

Tirtiraanba khariidada aduunka. Halkan waxaan ka leeyahay afeef, markaan ka hadlaayo dadka gooni isutaaga lagu ibtilayay ee uu madaxa maray xanuunkan dilaaga ahi, looma fasiran karo in aan hadalkayga qabiil gaar ah ku duraayo oo aan ula jeedo, sida warbaahinta qaarkeed ku caan baxeen oo ah runtii wax aad looga xumaado, waayo waxaan si fiican u ogahay markaan ka hadalo qabiilooyinka reer woqooyi oo aan ku faanaayo ka mid ahaanshahooda, sida aan ugu faanaayo in aan ka mid ahay beel

 Waynta Soomaaliyeed ee Islaamka ah, in arintan gooni isutaaga ay ku magcaabeen lagu kala qaybsan yahay qabiil walba gudihiisa iyo jifa kasta gudeheeda dhamaan qabiilooyinka reer woqooyi, ayna qaybta yar ee lagu ibtilayay fikirkan guracan ee ma dhalayska ahi afduub ku haystaan ummada inteedii kale, mida kale ogsoonow in dadka dagaalka ugu qadhaadh kala hor yimi fikirkan guracan ee ibtilada ah, godkii ay ku rideena aan cidina ka soo saari karayni, ay yihiin aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta reer woqooyi qabiilooyinkooda kala duwan.

 

Taageero iyo hambalyo: mar hadaynu wadaninimo iyo difaaca dalka iyo dadka ka hadlayno, waxaan hadana qoraalkan uga faa’iidaysanayaa in aan taageero iyo hambalyo u muujiyo wadani Soomaaliyeed, oo wadaninimo dhab ah oo aan hore looga baran muujiyay dhowaanahan, waana xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, oo aan ku hambalyanaayo doorkii wanaagsanaa ee geesinimada ahaa ee uu ka qaatay burintii heshiiskii khiyaamada qaran ee loogu

Hibeeyay badeenii dalka Kenya, waxaana ku taageerayaa ololaha uu ugu jiro burinta heshiiska kale ee ah isna khiyaanada qaran, ee uu Nuur Cade ugu ogolaaday maraakiibta iyo ciidamada shisheeyaha ee shirqoolka wayni ka dambeeyo, in ay u adeegsadaan badeena marmarsiinyaha ah la dagaalanka budhcad badeeda, heshiiskaas oo uu isagu xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ka soo fagay meeshii lagu daboolayay ee lagu qarinaayay. Maaha xildhibaan Maxamed Qanyare

Afrax oo keli ah inta ka gilgilatay ee ka dagaalantay heshiisyadaa khiyaanada ah magacyadoodana halkan laguma soo koobi karo, dhamaan waan ku hambalyaynayaa, ee xildhibaanka isaga waxaa keenay in aan halkan ku xuso, in ay isaga hore ugu caan baxday falal xun xun oo xad gudub ku ahaa shacabka Soomaaliyeed, uun ka mid ahaa dagaal oogayaashii dadka iyo dalkaba dhibaatayay, in kasta oo aan marnaba loo haysan intaan ka war qabo, arimo uu

Ku fara geliyay hantida ma guuraanka ah ee ummada ka dhexaysa, qofkuna mar haduu xumaanta wanaag ka dambaysiiyo waxa waajib ah in lagu amaano oo lagu sii dhiiri geliyo wanaaga uu la yimid, markaa waxaan leeyahay xildhibaan waxaad maanta yeelatay kayd wayn oo aad u culus, marka haba soo afjarantee oo kaydkaagu cirkaba ha isku shareeree, waa inaad taas ku dartaa inaad meel fagaare ah ama warbaahinta aad ummada hore dhibaatada kaaga tirsanaysay aad cafis

Kaga dalbataa, oo kolay arintanu waxay aad kaaga taraysaa doorashada madaxtinimo ee soo socota, oo aan filaayo in isu soo taagisteeda ay weli kuugu hadhsan tahay mar iyo laboba.

Baaq iyo dardaaran: waxaan ugu baaqayaa oo aan weli ku celcelinayaa DKM ah ee ay hogaaminayaan Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Cumar Cabdi Rashiid in ay ummada ugu baaqaan oo ku talaabsadaan dibu heshiisiin dhab ah, iyada oo ay ummadu la wada socoto in aydaan marna ku kicin dibu heshiisiin dhab ah iyo nabadayn, intaad xukumka timaadeen, bal mid taas ka soo horjeeda waxaad abuurteen dagaalo iyo colaado cagaar iyo qalaylba cunay, oo ay

Ummadii ku hoobatay, waxaad isla markiiba bilowdeen dagaalo, hanjebaado iyo inaad taageerayaasha aad ka soo xodxodataan kuwa idinka soo horjeeda, iyada oo aad taas ugu magac darteen dibu heshiisiin!!!! Tan kale waxaad ku dagaal gasheen maleeshiyaad iyo kooxo suufalool ah, oo iyagu laftoodu iska soo wada horjeeda, oo aan ujeedo iyo hadaftoona wadaagin, oo hadiiba ay guulaystaan, aan wax shaki ahi ku jirin inay dhexdood ka qarxayso, dhacdaynaba dhowr goor

Iyada oo aydin weli is hor fadhidaan kuwii idinka soo horjeeday, taasuna maaha mid lagu gaadhaayo nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo wadanka oo dhan. In badan ayaan anigu warbaahinta ka dhaleecayay DKM ah ee aad hogaamisaan iyo shakhsi ahaantiinaba taas oo lagama maarmaan ahayd si aad wax u saxdaan, hase yeeshee hadii la soo dhaafo xukum jacaylkiina, waxaan si fiican ugu qanacsanahay in ay labadooduba yihiin wadaniyiin wanaagsan, oo tusaale

Ahaan isma barbar dhigi karo heshiiskii ay u saxeexeen Kenya iyo kii uu Nuur Cade sida badheedhka ah ugu saxeexay dowladaha shisheeyaha ah ee reer galbeedka, si uu taageero ugaga raadsado, waayo dhibta haysata Shiikh Shariif iyo Cumar Sharmarke waa iyaga oo aan lahayn wax khibrad siyaasadeed ah, ayna gacanta u galeen rag budhcad ah oo gudaha iyo debedaba leh, kuwaas oo iyagu sida muuqata maamulaaya arimaha wadanka, marka waxaan leeyahay baraaruga

Oo iska fogeeya budhcadaas, oo bedelkooda soo dhowaysta aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta daacada ah, ee wax ka qaban kara arimaha murugsan ee wadanka ka taagan, oo dibu heshiisiin dhab ah wadanka ka bilaaba, markaan dardaarankan idin leeyahay waxaan si fiican u ogahay in ay qaar idinka soo horjeedaa diidayaan dibu heshiisiinta, laakiin hadaad taas samaysaan waxaad ummada u muujinaysaan inta fikirka guracan wadata, waadna ka guulaysan doontaan.

Waxaan qoraalkan ku soo afmeerayaa dhacdadan aan hada ku jiro waxay madaxa la gashay kow iyo labaatankii sano, Allaah tacaalaa uun baana og waxa maqan oo iman doona, laakiin ifafaalaha inaga inoo muuqdaa waa in ay ku ekaanayso intaa, waxaana Allaah tacaalaa waydiisanaynaa in aan uga gudbno wanaag iyo badhaadhe daa’im ah, oo aan lahayn kow iyo labaatan sano oo dambe, Allaah tacaalaa dhamaanteen ha ina garansiiyo xaqqa iyo wanaaga.

Wabillaahi atowfiiq

Essa Mohamoud Aadam

Almutawaadic@yahoo.com

 

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com