shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

C/naasir Maxamed Faarax Garwiye oo Waraysi siisay Shabakada Ceegaag Online kadib markii uu ku Guulaystay Orad yahaynka Gobolada Puntland.

(Garoowe,  December 31,  2009 Ceegaag Online)

C/naasir Maxamed Faarax Garwiye Dhageyso

Iyadoo dhawaan magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland lagu soo gabo gabeeyey tartankii Ciyaaraha gobolada Puntland ee dhinaca kubada Cagta ayaa tartankaasi waxaa dhinac socday tartanka ciyaaraha orodada gobolada Puntland oo ay ka soo Qayb galeen tartankaasi dhaliyaro badan oo ka kala socotay gobolada puntland.
 
Tartanka orodada ayaa ahaa labo Qaybood oo kala ah 400 oo mitir iyo 1500 oo mitir waxaana uu kaloo kaalinta koowaad galay tartanka 400 mitir ah galay
C/naasi Maxamed Faarax (C/naasir Guufe) Sidoo kale C/naasir waxa uu kaalinta labaad ka galay tartanka 1500 mitir oo ka soo jeeday gobolka Cayn gaar ahaan degmada Ceegaag.
 
Hadaba si aanu tartankaasi iyo abaal marita uu helayba wax uga ogaano ayaa Shabakada Wararka ee Ceegaag Online Telefoonka magaalada garoowe kula Xidhiidhay waxaana ugu horayn aan waydiiyey inuu faah faahin naga siiyo tartankaasi iyo abaalmarita la siiyey.
 
C/naasi Maxamed Faarax (C/naasir Guufe) ayaa hada waxa uu isu diyaarinayaa Dalka Djibouti si uu uga qeybgalo tartano ka dhicidoona dalkaasi isagoo matalidoona Maamul Goboleedka Puntland, Hadaba Dhamaan Shaqaalaha Shabakada Ceegaag Online iyo Dhamaan Shacabweynaha Reer Ceegaag meelkastooy joogaan waxay Hambalyo halkan uga gudbinayaan Oradyahanada Da’da yar ee usoo baxay  waxaanu u rajeyneynaa GUUL.

Dhinaca kale waxaa noo suurto galiwaayay Ciyaaryahanka da’da yare ee isna kasoo jeeda Degmada Ceegaag Axmed Xasan daad oo isna Oradka 800M ku guuleystay kaalinta koowaad, tartankii ay ku tartameen Gobolada Puntland wareysigiisana dib ayaanu idinkala soo socodsiindoonaa hadii ALLE idmo.

Dhalinta Reer Ceegaag oo looga joogo in ay soo hooyaan GUULO xaga Tacliinta ah iyo Xaga Ciyaarahaba.

Cali Osmaan Yuusuf

Wariyaha mandaqada Hawd, Buuhoodle
 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com