shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Buugaag ugu deeqday Xarumaha Waxbarasho ee Degmada Ceegaag.

(Ceegaag,  Dec 11,  2009 Ceegaag Online)  

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa deeq Buugaag ah ugu deeqday Xarumaha Waxbarashada ee Degmada Ceegaag iyadoo Deeqdaas lasoo mariyay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Cayn Cabdi Cilmi Dhoonge waxaana Deeqdaas ka gudoomay Gudoomiyaha Degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali (C/riigle) deeqdaas buugaagta ah ayaa ka koobneed 12,00 oo buugaag oo isugu jira Noocyada Maadooyinka dhamaan iyo agab kale oo loogu tala galay waxbarashada oo ay kamid Yihiin sabuuradaha tamaashiiradaha, Buugaagta Qoraalka, kubado Qalimaan oo kala duwan iyo agab aad u farabadan in Iskuulada Ceegaag mudo 3 sano ah ay Wax ku bartaan.

                                               

Gudoomiyaha Degmada Ceegaag C/riigle oo ay wehliyaan Ibraahin Yuusuf Ismaaciil,  Maxamed Ismaaciil Siidhi iyo Cabdi Maxamed Xaaji Cabdi ( Balaag) ayaa deeqdaas ka qaaday Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn. Iyagoo Deeqdaas ku Wareejiyay Maamulada iskuulada Ceegaag, Waalidinta Cuqaasha iyo ururada bulshada ee Degmada Ceegaag.

                                                     

Dhinaca kale qaar kamida ardayda wax ka barata dugsiyada Degmada Ceegaag iyo waxgaradka Ceegaag ayaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin ayna filayaan inay waxweyn kabadali doonto tayada aqooneed iyo tan waxbarasho ee deegaanka  Ceegaag.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com