shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xarunta Khayraadka Badda ee Liibiya oo Tababar loogu soo Xiray Kaluumaysato Reer Puntland ah.

(Tripoli,  December 31,  2009 Ceegaag Online)

Tababarkaan oo ay gacan ka geystay Dowladda Wadanka Liibiya ayaa waxaa loo qabtay dad tiradooda lagu sheegay 26 Qof oo ka kala tagay Guud ahaan Goboladda Puntland,Tababarkaan ayaa wax uu ka dhacay Xarunta Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Libiya, Waxaana Casharadda ka Bixinayey Dhakhatiir aad u yaqaan Xoolaha.
 
Macallimiinta oo ay ka mid ahaayeen Dr. Maxamed Al Waacir iyo weliba Dhakhtarka kale Dr. Sansuur oo in badan takhasuus u haysta dhanka Kheyraadka Badda, kuwaas oo mudo 25 Sanno ah ka soo shaqeynayey.Tababarkaan ayaa in badan waxaa lagu qaatay Casharo aad u Muhiim ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen loo kaluumaysto nooyada kaluunka sida toonada oo kala ah yalaw fiin boloo fiin, waxay casharo ku soo qaateen warshada balaaran oo ku taala dalka liibiya oo samaysa kaluunka toonada.
 
Warshadaas oo ku taala Magaalada Sabaraata.dhamaan 26 qof oo qaatay siminaarka ayaa aad ugu riyaaqay casharada ay qaateen iyo khibrada ay ka faa’iideen casharada ay qaateen sidoo kale waxaa la soo tusay suuqa ugu wayn ee kaluunka lagu iibiyo waxay ku soo arkeen muhiimada uu leeyahay kaluunka iyo qiimaha uu ka joogo dunida caalamka.
 
Sidoo kale waxay ku soo arkeen suuqaas noocyada ka luunka iyo libaax iyo wax yaalo badan oo lagu iibinayay suuqa wayn ee kaluunka dalka liibiya.Dr. Maxamed Al waacir oo ahaa macalinka bixinayay casharada siminaarka ayaa ugu baaqay 26 qof oo siminaarka ugu xirmay dalka liibiya markay tagaan dal kooda in ay u faa’iidayeen umada ay matalayaan mirihii ay ka qaateen siminaarka inta uu soconayay.
26 qof ayaa waxaa soo xulay wasaarada Kaluumaysiga Maamulka Puntalan waxayn ka kala yimadeen Magaalooyinka Bosaso,Baargaal,Xaafuun,Bayla,Dur dura,Jariibaan,Eyl,Hurdiya iyo weliba Degaano xeebeed kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.
 
Gudoomiyaha NGO Safod C/raxman C/risaq Farax ( Guffure) oo Hogaaminayey 26 Qof ee Siminaarku ugu Xirmay Dalka Libiya ayaa wax uu Amaan iyo mahadcelin u jeediyey Dowladda Wadanka Liibiya, Kaalintii ay ka qaadatay Taageerida Shacabka Soomaaliyeed.Wax uuna kula dardaarmay dhalinyaradda Tababarka qaadatay in ay ka shaqeeyaan sidii ay ugu Faa’ideyn lahaayeen dadka kale ee ku maqan Gudaha dalka.
C/waaxid Maxamed Xirsi (joocaar) Agaasimaha Wasaaradda Kaluumeysiga Maamulka Puntland oo isaga halkaas hadalo ka jeediyay ayaa wax uu ugu horeyn Mahadcelin u jeediyey Dowladda Libiya iyo weliba Shacabkeeda sida wanaagsan ay ugu soo dhawaysay dalkeeda.
 
Mudane Joocaar wax uu si aad ah uga hadlay kaalinta Dhallinyaradda Tababarka qaadatay sidii ay ugu Faa’ideyn lahaayeen dadkooda marka ay dib ugu laabtaan Dalkoodii Hooyo.
Si kastaba ha ahaate Mashruucaan Tababarka ah ee la siiyay Wasaaradda Kaluumaysiga ee Puntland ayaa waxaa iska Kaashaday Wasiirka Kaluumaysiga ee Puntland Eng:Maxamed Faarax iyo Wasaaradda Khayraadka Badda ee Dalka Liibiya,Inkastoo ay taasi Muuqato hadana wali waxaa loo baahanyahay Tababaro kale oo Dheeraad ah si loo helo Shaqo Tayo Wanaagsan leh.
 
Kaluunka Puntland:-
 
Qayb ahaan Soomaaliya waa Wadanka ugu Xeebta dheer Africa waxaana Deegaanadda Puntland marta Badda ugu Dheer ee soomaaliya sii marta,Badweynta Hindiya iyo Badda cas labaduba waxay Maraan Deegaanadda Puntland waxaana Xusid mudan in Dhaqaalaha ugu Badan ee Puntland uu ka soo galo Kaluunka oo Noqday Khayraad Dabiici ah(Natural Resource) Sanadkasta waxaa u shaqo taga Xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya Dhalinyaro Reer Puntland ah oo ka soo shaqaysta Badda inta ay Maqantahay Dabaysha loo yaqaano(Monsoon Winds) oo aan ahayn Dabaysha Caadiga ah ee loo yaqaano Prevailing Windska oo ka dhacda Dhulka Bariga ah.
 
Bilawga Bisha September waxay Dhalinyaradu isu Diyaariyaan inay u ambabaxaan Dhankaa iyo Xeebta si ay uga soo shaqaystaan ilaa laga Gaarayo Bisha May oo ay Bilawdaan Dabaylaha Monsoon,Khayraadka kala duwan ee Dhalintu ka soo Jilaabato Badda ayaa isugu jira Aargoosatada Loo yaqaano Kaambaha,Kaluunka iyo Libaaxa Badda si uga Helaan Lacagta Adag ee ay ku dabirayaan Nafsadooda,Khayraadka ay badda ka soo jilaabtaan Kaluumaysatadu waxaa kala wareega Shirkado Ganacsi oo Ajnabi ah oo Xafiisyo ku leh Deegaanadda Puntland waxaana Kartoonki Kaambaha ah laga Siiyaa $200 taasoo ah Lacag adag oo Puntland u soo xeroota.
 
Hadaba Meelaha ah Isha Kaluunka Puntland ayna Dhalinyaradu u shaqo tagto waxaa ka mid ah Qundheed,Garmaal,Suuj,Falfalax,Ceeldhidar,Dharinbaar iyo Kulule walaw ay jiraan Meelo kale oo iyana ah Ilaha Aargoosatada Ganacsi ahaanta loo Isticmaalo.

Daawo Sawirrada


 
Sawirqaade:Faadhig Cali Bacle-Triboli-Liibiya
Edited and Written:A/rashiid Mohamed
Garowe-Puntland

 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com