shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif oo maanta tababar ciidan u fura Kun askari oo ciidanka dowladda

(Muqdisho,  Dec 07,  2009 Ceegaag Online

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo maanta booqday xerada Haama Dhowr ee keydkii shidaalka, ayaa halkaas tabababar ugu furay ilaa Kun askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka kuwii hore ee odayaasha ahaa iyo kuwo cusub oo ay dhowaan xareysay dowladda Soomaaliya.

 

Booqashada madaxweyne Shariif ayaa qeyb ka aheyd howlo uu maalmahan ugu kuur galaya xaalada ciidamada, waxaana maanta uu labisnaa mar kale dareyska ciidamada, taasoo muujineysa sida uu ciidamada ugu niyad dhisayo.

 

Madaxweyne Shariif oo u furay tababarka ciidamadaas ayaa qudbad uu u jeediyay waxaa uu kaga hadlay marxalada uu dalka marayo iyo sida looga samata bixi karo, isagoo ciidamada xooga dalka u sheegay in ay saaran tahay mas'uuliyad weyn oo ku aadan bad baadada shacabka.

 

"Dalkaan waa lagu soo duulay, dibad iyo gudaha waxaa jira dad calooshood u shaqeystayaal ah oo cadawga kaalmeynaya, waxaa idin sheegayaa inaad u diyaar garowdaan difaaca dalka iyo dadka"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo hadalo guubaabo iyo digniin isugu jiray u jeedinayay.

 

Madaxweyne Shariif ayaa kaga digay ciidamada dowladda in ay iibsadaan hubka iyo rasaasta, taasoo uu sheegay in ay tahay dambi weyn oo sida uu yiri lagu kaalmeynayo cadawga.

 

Waxaa uu sheegay in dalka ay ka jiraan xaalado ammaan daro, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo, waxaana uu kula dar daarmay ciidamada in ay u dhabar adeegaan tababarka.

 

Madaxweynaha ayaa u balan qaaday ciidamada in ay heli doonaan xuquuqdooda iyo wixii tasiilaad ah oo ay dowladda ugu baahan yihiin, isagoo dar daaran culus u jeediyay.

 

Taliyihii hore ciidamada xooga dalka Jen. Yuusuf dhuumaal oo ku wehliyay booqashada madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo dibada ku maqan, isagoo sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada dibada ku maqan ay dhowaan dalka dib ugu soo laaban doonaan.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com