shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waqtiga Kalfadhiga Barlamaanka furmayo oo la shaaciyay & Xarakada Al-Shabaab oo warsaxaafadeed soo saartay.

(Muqdisho,  Dec 17,  2009 Ceegaag Online)

Gudoonka Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo maanta shaaciyey xiliga uu furmaya kalfadhuga  Baarlamaanka oo in mud ah hagad ku jiray

Kadib kulan maanta magaalada muqdisho ay ku yeesheen Guddoomiyaha Golaha Barlanma KMG ee Soomaaliya iyo Gudiyadiisa Barlamanka ayaa waxaa ay ka hadleen arimo dhor ah.

Kulanka oo socodey mudo dhowr sacadood ah ayaa waxaa banaanka ka ahaa Bahda Warfaafinta ee magalaada Muqdisho ku dhaqan ku waasi oo doonayey in ay wax ka ogaadaan kulankaasi.

Hase yeeshee Kulankaasi oo ay wada qaateen Afhayeenka Barlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Gudiyadiisa Barlamanka ayaa waxaa kulankaasi kadib Saxaafada la hadleyey afhayeenka Golaha Barlamanka.

Sheekh Aadan Maxamed nuur ayaa waxaa uu u sheegay Bahda Warfaafinta in isaga iyo Gudiyadiisa Barlamanka ay ka wada hadleen sidii uu ay dib looga bilaabi lahaa fadhiyadii ay la haan jireen Xildhibaanada Barlamanka.

Afhayeenka ayaa waxaa intaasi uu ku darey in looga baahanyahay Xildhibaanada ka maqan gudaha dalka Soomaaliya in sida uga dhakhsiyaha badan ay uga soo laabtaan dalka gaar ahaana magaalada Caasimada si laa ambaqaado howlaha shaqo ee horyaala Barlamanka.

Sikastaba ha ahaatee hadalkani maanta kasoo yeerey Guddoonka Barlamanka ayaa waxaa uu imaanayaa xili Barlamanka Soomaaliya mudo ka badan 3-dax bilood aaney yeelan wax fadhiyo ah.

Warsaxaafeed  ka soo baxay Al Shabaab  oo looga mamnuucay ka howlgelida  hey’ada Mine Action gudaha dalka Soomaaliya

Xarakada Al Shabaab ayaa maanta waxa ay shaaciyeen in Hey'ada Mine Action ka mamanuuceen in ay ka howgasho gudaha dalka Soomaaliya ka dib warsaxaafadeed  ay soo saareen .

Nuqul ka mid ah warsaxaafadeedka Shabaab ay kaga mamnuuceen hey'ada Mine Action in ay ka howgasho gudaha dalka Soomaaliya oo soo gaartay Xafiiskaa ceegaagonline magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u qorneeyd sidaan.

 

        Bayaan ku aadan Howlaha Hay’ada Mine Action.

Laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 17-12-2009, Hay’ada hoostagta qaramada Midoobay ee loo yaqaano Mine Action waa mid xiran.

Tilaabadan ayaa waxaa qaaday Xafiiska Lasocodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah kadib markii diraasad qoto dheer uu ku sameeyay dhaqdhaqaaqyada iyo ujeedooyinka ka dambeysa Hay’adan.

Waxaa cadaatay in ay Mine Action bixiso Mishaaraadka Booliska xukuumada Riddada ah , waxayna dhanka kale ku kacaysay isku dayo farabadan oo lagu carqaladeynayo nabada iyo cadaalada ka jirta Wilaayaat-ka Islaamiga ah iyadoo laaluush ku harqinaysay madax dhaqameedyada bulshada si ay u abaabulaan kacdoon ka dhan ah Maamullada Islaamiga ah.

Waxaa intaas sii dheer inay sahan iyo calaamado tilmaam bixinaya ku sameyneysay qaybo kamid ah goobaha ugu muhiimsan uguna xasaasisan dhulka ay ka taliyaan Mujaahidiinta.

Ugu dambayntiina waxaa baaritaanka lagu xaqiiqsaday in Mine Action ay si qarsoodi ah u qaban jirtay howlo iyo shaqooyin ay lahaayeen Hay’ado uu horey u mamnuucay Xafiiska La socodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah sida Hay’ada UNDP.

Xafiiska Lasocodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah wuxuu sii wadi doonaa isku duba ridka iyo kormeerida Hay’adaha Ajnabiga ah ee ka howl gala Soomaaliya wuxuuna Bulshada Muslimka ah ka difaaci doonaa dhamaan wixii hagardaamo ah oo kasoo horjeeda Diinteeda, Jiritaankeeda, Badbaadadeeda iyo Caafimaadkeeda.

Allaah ayaa nagu filan Rabigeena ah.

Xafiiska Lasocodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.


 

webmaster@ceegaag.com