shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qarax sababay dhimashada in ka badan 6 caruur ah oo ka soo wada jeeda hal qoys ayaa galabta waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

(Balanbale,  Dec 14,  2009 Ceegaag Online)  

Qaraxa oo haa miino ayaa la shegaya in ay ku qaraxday qoys reer guura ah oo maanta dagay meel ilaa 7 km u jirta magaalada Balanbale ka dibna halkaasi ay kula qaraxday miino dhulka ku aasneyd.


Dad deegaanka ayaa sheegaya in qoyska maanta uu soo dagay goob horay u ahaan jirtay xero ciidan ka dibna ay ka sameynteen Dhardhaar ay cuntada ku karsadaan, hasa ahaatee kulka dabka uu gaaray miino dhulka ku jirtay taasi oo qasaaro xoogan gaarsiiyey qoyska reer miyiga ah .


Qoysaakaani ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen 7 caruur ah iyo walidiintooda waxaana qaraxa miinda ah ku dhintay 5 wiil iyo hal gabar , waxa iminka qaraxa haleey qoyska ka badbaaday gabar yar ,aabihi iyo hooyada oo ku sugnaa meel ka fog qaraxmiinda ah.


Sidoo kale waxa halkaasi ku baaba.ay hanti kale oo ay la hayeen qoyska, waxana kamid ahaa Ari iyo dameerkii ay raranayeen qoyska

Qarax oo ahaa mid laga maqlayey degmada Balanbale iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa waxa gurmad u sameeyey qoyska masiibada ay ku habsatay dad farabadan ee uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada Balanbale, waxana dadkaasi ay soo uruuriyeen gacmo,lugo,madaxyo iyo hilbo lakala garan waayey.

Dadka deegaanka iyo maamulka degmada Balanbale ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku aasaan caruurta qoyska ka soo wada jeeda ee galabta qaraxamiinadaha ku dhamaaday.


Magaalada Balanbale ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka dalka Soomaaliya ee ay ka dheceen dagaalada sukeeye iyo kuwii ay isaga horyimaadeen dowladdi Soomaliya iyo dowlada Etoobiya sanadkii 1977 mana jirin waxii markaasi ka danbeey cid sameeysay baaritaano ku aadan bixinta miinooyinka.


Dhowaan ayey ahayd markii qaraxmiino sidaan oo kale ah caruur yar yar uu kula qarxay degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud isalmarkaana ay ku dhinteen ilaa 8 caruur ah.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com