shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Madhibaan ee Gobolada Waqooyi oo iska diiday in ay noqdaan Yabar Yoonis (Isaaq).

(Buuhoodle,  December 29,  2009 Ceegaag Online)

Suldaan Daakir Xasan Khaliif  Dhagayso

Magalaada Goob Wayne oo kamid ah deegaanada hoos yimaada Gobolka Cayn ayaa waxaa Mudooyinkii ugu Dambeeyey shir kulahaa beesha Madhibaan Waxaana Shirkaasi Soo agaasimay Suldaanka Guud ee Beesha madhibaan Suldaan Daakir Xasan Khaliif  waxaana shirkaasi loo hadlaya xaalada Warar Mudooyinkii ugu dambeeyey laysla dhexmaray oo sheegayy in beesha madhibaan laga bedelay magacii oo loo bedelay Kuul Caro/Habaryoonis.
 
Hadaba Suldaanka Beesha Suldaan Daakir Xasan Khaliif,  Cuqaasha, dhalinyarada, ururada haweenka iyo waxgarad farabadan oo kamid ah beesha ayaa kulan kuyeeshay magaalada Goob oo deegaanka buuhoodle kamid ah waxaana shirkaasi lagu sheegay in beesha aan laga bedelin magacii ma dhibaan ayna warkaasi yahay war laga xumaado oo ay wadaan dad dano gaar ah leh oo ku dhexjira beesha, waxaana waxgaradka beeshu ugu baaqeen dhamaan umada Soomaaliyeed iyo waxgaradka deegaanada kaleba in warkaasi yahay been laguna dilayo sumcada beesha iyo horumarkeeda.

Hadaba  wariyaha Shabakada Ceegaag Online ee Mandaqada Hawd Cali Osmaan Yuusuf (Cali Dhagjar)  ayaa  waraysi khaas ah la yeeshay Suldaanka Beesha Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo sheegay gabi ahaanba warkaasi yahay been runta ka fog waxaana Suldaanku ugu baaqay cidii wada howlahaasi inay si  deg deg ah uga baxaan hadii kale talaabo laga qaadayo.

Cali Osmaan Yuusuf (Cali Dhagjar)

Wariyaha mandaqada Hawd, Buuhoodle

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com