shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Biyo La'aan kataagan Buuhoodle iyo Qiimaha biyaha oo saray u kacay.

(Buuhoodle,  December 30,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo Xili Roobaadkii Sanadka uu gabi ahaanba seejiyey magaalada buuhoodle ayaa waxaa guud ahaan gudaha magaalada buuhoodle kataagan biyo la,aantii ugu darnayd, biyo la,aantaasi oo saamayn wayn kuyeelatay nolasha bulshada kunool gudaha magaalada buuhoodle, Waxaana Markii ugu horaysay inta la xasuusto Qiimaha foostada biyaha ahi gaadhay magaalada buuhoodle $3doolar oo u dhiganta 100Shilin Somalia waxayna taasi sababtay in dad farabadan oo kunool magaalada gudahaheeda ay uga baxaan deeganada kale halka dadka biyaha gadan karaana isugu soo hadheen gudaha magaalada.

Qiimaha booyada gaadiidka ugu wayn ayaa magaalada buuhodle lagu kala siisanayaa aduun lacageed oo gaadhaya 120$ doolar waxaana inta badan biyo la,aantani saamayn wayn kuyeelatay guud ahaan mushtamaca magaalada buuhoodle oo iminka biyo la,aan qarka usaaran.

Waxaana sidoo kale biyo la,aantani saamayn wayn kuyeelatay Qaxootiga kunool magaalada buuhoodle oo ka soo barakacay koonfurta iyo bartamaha Somalia dadkaasi oo biyo la,aan  looga cabsi Qabo inay u dhintaan. dhinaca kale dadka xoolaha dhaqanata ah ayaa gabi ahaanba ka guuray gobolka iyagoo beegsanaya deeganada dhinaca bariga kaga xiga magaalada buuhodle gaar ahaan dhinaca Sool oo sanadkii dhawaa raxmaadkii dayrtu maansheeyey.

Cali Osmaan Yuusuf (Cali Dhagjar)

Wariyaha mandaqada Hawd, Buuhoodle
 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com