shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan looga hadlay amaanka Boosaaso oo lagu qabtay madaxtooyada magaalada Boosaaso

(Boosaaso,  December 26,  2009 Ceegaag Online)

Kulan looga hadlayay Amniga magalada Bosaso ayaa maanta ka dhacay Xarunta Madaxtoyada magalada Bosaso waxaa kulankani lagu Casuumay Ururada dhaliyarada ee ka jira magalada bosaso, Iyadoona ay Goob jooga ahaayen Masuuliyinta Ururadasi, Maamulka Puntland ayaa waxaa U joogay Madaxweyne ku xigeenka PuntlandGen: C/samad Cali shire, wasiirka Amniga Puntland C/laahi siciid samatar iyo wasiir ku xigeenka arimaha Gudaha Yusuf axmed Khayr, Gudoomiyaha Gobolka Bari Muse Gelle Iyo madax kale oo badan,
 
 
Sababaha Keenay In Maanta kulankan lagu Qabto ayaa ka danbaysay Iyadoo Mudooyinkii ugu danbeeyey Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga puntland ay ka dhaceen Qaraxyo sababay dhimasho iyo Dhaawac oo lala Beegsanaya Masuuliyiinta Dawlada puntland Waxaana Maanta kulan looga hadlaya oo Diirada lagu saaray Qaabka ugu hamoon ee amaanka magaalada Boosaaso loo adkayn karo.
 
Waxaana Kulankaasi ka Hadlay Masuuliyiinya Dhalinyada gobolka bari Waxayna Hoosta ka xariiyeen inay la shaqaynayaa madaxad maamulka gobolka Bari kana shaqaynaa amaanka deegaanada puntland Waxaana ururadani ay Sheegeen inay Maamulka ka Caawinayaa inay soo Sheegaan Cidii amaan daro Wada ayna ka hortagaan
 
Kulankan maanta ayaa daba Jooga kulamo horay ugu dhexmaray Magaalada Boosaaso Masuuliyiinta puntland iyo Waxgaradka Gobolka bari Waxaana Gabi ahaanba kulanmaasi looga hadlayaa Amaanka magaalada Boosaaso

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com