shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cabdi Qeybdiid oo iska fogeey qaraxii hotel Shamoow islamarkaana qaraxa ku eedeyey Al Shabaab

(Muqdisho  Dec 05,  2009 Ceegaag Online)

 

 Taliyiha Ciidamada Police-ka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Cabdi Xasan cawaale Qeybdiid oo manta ka hadlay qaraxii ka dhacay Maalintii Khamiista ahayd Hotel Shamoow ee magaalada Muqdisho ayaa waxa shaaca ka qaaday in qaraxaasi ay ka danbeeyeen xarakada Al Shabaab.

 

C/qeybdiid Taliyaha Ciidamada Boliiska soomaaliyeed ayaa iska fogeeyey in uu qaraxaasi ku lug lahaa waxa uuna tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in isaga looga shakiyo in uu ka danbeyey qaraxa uu ku tilmamay in uu ahaa mid xasuuq ah oo ay ka danbeeyeen dad ka soo horjeeda jiritaanka umada soomaliyeed.

 

Sidoo kale waaxaa uu sheegay taliyaha ciidamada Boliiska Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cabdi Xasan cawale Qeybdiid in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii ay u ogaan lahayeen qaabka uu qaraxa u dhacay iyo dadka u fududeyey qofkii fuliyey qaraxa Ismiidaaminta ahaa.

 

“Waxaan wadnaa Baaritaano xoogan oo aan ku dooneyno in aan sharciga ku soo taagno cidii ka dambeysay Isqarxintii hotel Shaam Muqdisho waxaana ku rajo weynahay in dadkaasi la soo hor istaajin doono sharciga laguna qaadi doono xukunka islaamka” waxaa sidaasi yiri C/Qeybdiid

 

C/Qeybdiid ayaa hadalkiisa ku soo xiray in ay dowlada KMG ah ee Soomaliya wado qorshayaal ay ku hanandoonto meelo badan oo ka mid ah deegaanada ay ku sugan yihiin xoogaga ka soo horjeeda dowlada KMG ah e Soomaliya..

 

Ka dib markii uu qaraxa ka dhacay Khamiistii la soo dhaafay hotel Shaamoow oo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux ee isku jiray Wasiiro,Araday,Dhaqaatiir,Wariyeyaal iyo dad kale islamarkaan xarakada Shabaab oo lagu yaqaanay qaraxyada ismiidaaminta ah ay iska fogeeysa in ay haba yaraatee ku lug lahaayd qaraxa ayaa waxa soo baxay warar hoose oo sheegayey in qaraxa ay ka danbeeyaan taageerayaasha Taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Qeydiid oo ka carooday xilka qaadis dowlada KMG ah ay ku waday C/qeybdiid.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com