shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Reer Muqdisho oo ku shibro waaqleeyay Xisbul Islaam(Aways) kadib markii ay dajiyeen astaanta Soomaaliya

(Muqdisho,  Dec 08,  2009 Ceegaag Online

Banaanabaxyo waaweeyn oo wata rabshado ayaa waxa ay galabta ka dheceen deeganka ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho kuwaasi oo looga soo horjedo Ururka Xisbul Islaam ee deegaankaasi Gacanta ku haya oo dejiyey Calanka Soomaaliya.

 

Banaanbaxa ayaa la sheegay in uu bilaawdkay ka dib markii galabta meeshiyo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ay calanka Soomaaliya ka dajiyeen School ku yaala deegankaasi kadibna ay ka sareen calanka Madoow.

 

Qaar ka mid ah macalimiinta dugsiga wax ka dhigta iyo qaar ka mid ah aradada ayaa waxa ay ka muranka keenen arintaasi ka dib ciidamada ururka Xisbul Islaam ay Xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah ardada iyo macalimiinta.

 

Dad weeyanaha barakacayaasha ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa mar qura ah isku soo baxay ka dibna bilabay bananbaxyo ay kaga soo horjeedaan falka ay ku dhaqaaqeen ciidamada ururka Xisbul Islaam, waxaana dadka banaanbaxyada dhigayey oo watay calanka Soomaaliya ay ku qeeylinayeen hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “doonimeeyno Xisbul Islaam doonimeeyno Calan Madow”

 

Dadka banaanbaxa dhigay oo gaarayey boqolaal ruux oo u badnaa dhalinyaro, caruur iyo haween ayaaa dhagxaan ku tuurayey baraha Kontorol ay fadhiyaan ciidamada ururka Xisbul Islaam, waxa ayna marki danbe banaanbaxayaalka xoog ku soo dayeen aradadii iyo macalimiintii xabsiga ay dhigeen ciidamada ururka Xisbul Islaam ee Degaankaasi.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Xisbul Islaam ay rasaas ku fureen dadka banaanbaxyada sameeynayey islamarkaana qaar ka mid ah dadka ay dhaawacyo gareen inkastoo aan cadeeyn tirada dhaawaca ah.

 

Dadka ayaa ku dhiirtay banaanbaxa ilaa markii danbe ay dajiyaan calankii Madoobaa ee ay ururka Xisbul Islaam sareen Schoolka ,waxana daka banaanbaxa dhigayey la sheegay in wadada isku xirta Afagooye iyo Muqdisho ee dhaxmarta deegaanka Ceelasha ay dab ku qabadsiiyeen calanka madoow ee ururka Xisbul Islaam.

 

Deegaank ceelasha Biyaha ayaa waxa ka jirta X xiisad u u dhaxeeysa ururka Xisbul Islaam iyo daka Barakacayaasha ah eek u nool deegaanka Ceelasha Biyaha.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com