shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Iran oo sheegtay ay Dowladda Soomaaliya ka Caawindoonto sidii ay u xasilin lahayd dalka Soomaaliya.

(Tahran,  December 30,  2009 Ceegaag Online)

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay ka taageerayso xukuumadda Soomaaliya sidii ay dib loogu soo celin lahaa xasilloonida iyo daganaashaha dalka oo ay dagaallo ka socdeen muddo ku dhow 20-sano oo xiriir ah.

Xukuumadda Iiraan ayaa hadalkan sheegtay kaddib markii wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangeli) uu ka codsaday dalalka Islaamka inay xukuumaddiisa ka taageeraan dadaalka ay ugu jirto inay dalka xasiliso.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo booqasho ku jooga Magaalada Tehran ee dalka Iiraan ayaa kulammo kala duwan la qaatay Madaxweyanha dalkaas Mahmoud Ahmadinejad, Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Manouchehr Mottaki iyo Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Ali Larijani.

"Somalia waxay caalamka Islaamka oo dhan ka codsanaynsaa inay gacan ka siiyaan sidii ay gacan uga siin lahaayeen dib u soo celinta ammaanka iyo kala-dabeynta dalka, ayna dowladdu awood u yeelan lahayd" ayuu Cali Jangeli u sheegay madaxda uu la kulmay.

Madaxweynaha Dalka Iiraan Mahmoud Ahmadinejad ayaa sheegay in dalkiisu uu dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda ka taageerayo, isagoo xusay in aanay Somaila ka jeesanayn inta ay ka helayso daganaasho buuxda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya aya sheegay in dalkiisu dagaal kula jiro kooxo Islaamiyiin ah oo doonaya inay xukunka ka tuuraan, taasna ay tahay sababta keentay inay caalamka Islaamka ka dalbadaaan kaalmo.
Socdaalka wasiirka arrimaha dibadda uu ku joogo dalka Iiraan ayaa qayb ka ah booqashooyin uu ku tagayo dalal badan oo Somalia saaxiib la ah, kuwaasoo ay xukuumaddu doonayso inay kaalmo ka hesho

Xigasho: Hiiraan Online

webmaster@ceegaag.com