shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faarax Macalin Dawaara oo maanta gaadhay Magaalada Laascaanod.

(Laascaanood,  December 27,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Gaadhay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyey Kuxigeenka Baarlamaanka Wadanka Kenya Mudane Faarax Macalin Dawaara oo Maalmihii ugu danbeeyey Booqasho Ku Joogay magaalada Hargaysa.

Wafdiga Waxaa Ku soo Dhaweeyey Gudaha magaalada Laascaanood Masuuliyiinta Maamulka Somaliland ee iyagu kusugan magaalada Laascaanood wariyaal kusugan magaalada Laascaanood ayaa u Sheegay Warbaahinta Caalamiga ah ee Ceegaag.com in safarkiisa ay ku wehelinayeen masuuliyiin katirsan Xukuumada Somaliland oo ay kamid yihiin wasiirka maaliyada,  arimaha gudaha iyo Xildhibaano.

Booqashada Gudoomiyaha kuxigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa lagu sheegay inay ka danbaysa inuu ogaado xaalada gobolada maamulka Somaliland uu gacanta kuhayo waxaana uu soo maray gobolada somaliland gacanta hay kuhayso,masuulkani intii uu ku sugnaa magaalada laascaanood lama kulmi waxgaradka waxaana markiiba uu dib uga laabtay magaalada laascaanood xili magaalada xalayto ay ka dhaceen qaraxyo

Dadwaynaha magaalada Laascaanood ayaa ka War helay oo kaliya inuu magaalada Yimid Faarax Macalin gudoomiye kuxigeenka baarlamaaka kenya waxaana ay shacabku iswaydiinayaa sabaha booqashadiisa la Xidhiidha, mana Jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Puntland oo xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo Wadanka Kenya

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com